6 Askari Oo Ku Dhintay iska Hor'imaad Ka Dhacay Gobolka Sh/dhexe.

Friday March 09, 2018 - 10:19:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    6 Askari Oo Ku Dhintay iska Hor'imaad Ka Dhacay Gobolka Sh/dhexe.

    Ku dhowaad 8 askari oo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhintay dagaal culus oo ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta u ah gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku dhowaad 8 askari oo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhintay dagaal culus oo ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta u ah gobolka Sh/dhexe.

Wararka ka imaanaya Jowhar ayaa sheegaya in xalay fiidkii uu iska hor'imaad xooggan ka dhacay deegaanka Xaanshooleey oo u dhow garoonka diyaaradaha macmalka Jowhar.

Iska hor'imaadka oo muddo hal saac ah socday ayaa dhaxmaray maleeshiyaad kawada tirsan dowladda Federaalka, goob joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan 6 askari ay ku dhinteen iska hor'imaadka oo dhinacyadu ay isku adeegsadeen gaadiidka dagaalka.

6 askari waxaa laga dilay maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan halka 2 askari laga dilay ciidamo boolis ah oo ka amar qaata maamulka magaalada Jowhar.


Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta keentay dagaalka, wararka qaar ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku maandhaafeen qeybsiga Maandooriyaha khaadka halka warar kale sheegayaan in ay kala shakiyeen.

Isbitaalka magaalada Jowhar ayaa la geeyay ciidamo ku dhaawacmay iska hor'imaadka, maamulka isku magacaabay HirShabelle ayaa kamid ah maamullada ugu taakta daran maamullada Xabashida Itoobiya ka dhistay dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed