Donald Trump Oo Aqbalay in Kulankii Ugu Horreeyay Uu la Yeesho Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Friday March 09, 2018 - 10:23:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump Oo Aqbalay in Kulankii Ugu Horreeyay Uu la Yeesho Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

    Si lama filaan ah ayay hoggaamiyaasha dowladaha Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ugu dhawaaqeen in ay yeelan doonaan kulankii ugu horreeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si lama filaan ah ayay hoggaamiyaasha dowladaha Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ugu dhawaaqeen in ay yeelan doonaan kulankii ugu horreeyay.

Kim Jong-un oo ah hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi ayaa sheegay in uu diyaar uyahay kulan uu la qaato Donald Trump madaxweynaha Mareykanka oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyay.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Koonfurta Kuuriya ayaa sheegay in farriin katimid Kim Jong-un oo dalbanaysa kulan ay ugudbiyeen aqalka cad ee Mareykanka.

Donald Trump ayaa isna farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu ku xaqiijiyay in uu aqbalay kulan uu la qaato Kim Jong-un wuxuuna kulankaas ku tilmaamay Mid taariikhi ah.


Telefeshinka ku hadla Afka Xukuumadda Kuuriyada waqooyi ayaa isna faafiyay in dhammaadka bisha May 2018 ay labada hoggaamiye kulankoodi ugu horreeyay yeelan doonaan.

Sidoo kale madaxweynayaasha labada Kuuriya ayaa iyana kulan yeelan doona dhammaadka bisha soo socota ee April 2018, dowladda shuuciga ah ee ka jirta Pyongyang ayaa umuuqata mid ku dhaqaaqeysa isbedel diblumaasiyadeed si ay isaga khafiifiso cuna qabateynta saaran.

Kim Jong-un ayaa saraakiishiisa melleteriga amar kusiiyay in ay joojiyaan tijaabada gantaallada casriga inta ay socdaan wadahadallada siyaasadeed, sanadii lasoo dhaafay ayay Trump iyo Kim Jong-un waxay isugu hanjabeen dagaal laysku adeegsado hubka wax gummaada ee Niyugleerka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items