Mareykanka Oo Ka Walaacsan Xaaladda Siyaasadeed Ee Wadanka Itoobiya.

Saturday March 10, 2018 - 11:04:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Ka Walaacsan Xaaladda Siyaasadeed Ee Wadanka Itoobiya.

    Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay xaaladda ammaan iyo midda siyaasadeed ee ka jirta wadanka Itoobiya oo kamid ah dowladaha dhaca Bariga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay xaaladda ammaan iyo midda siyaasadeed ee ka jirta wadanka Itoobiya oo kamid ah dowladaha dhaca Bariga qaaradda Afrika.

Rex Tillerson oo ah wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka ayaa socdaakiisii ugu horreeyay ee qaaradda Afrika wuxuu tegay magaalada Addis Ababa ee caasimadda u ah Itoobiya.

Shir Jaraa'id oo uu ku qabtay dhismaha wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayuu ku sheegay in Washington ay ka walaacsantahay xaaladda siyaasadeed iyo midda Amni ee Itoobiya ka jirta.

Mareykanku wuxuu sheegay in Itoobiya ay kala shaqeynayaan sugidda ammaanka iyo ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada oo loola jeedo ladagaallanka Muslimiinta.


Rex Tillerson ayaa dowladda Itoobiya ku tilmaamay mid udub dhaxaad u ah dagaalka ka dhanka ah muslimiinta ee ka socda Bariga qaaradda Afrika balse uu isagu ugu yeeray dagaalka Argagaxisada ka dhanka ah.

Mareykanku wuxuu ugu baaqay maamulayaasha Itoobiya in ay xabsiyada kasii daayaan siyaasiyiinta uxiran kacdoonka shacbiga islamarkaana wadahadal lala galo kooxaha mucaaradka.

Xaalad degdeg ah ayaa Itoobiya lagusoo rogay bishii lasoo dhaafay xilligaas oo uu iscasilay R/wasaarihiin wadanka waxaana talada si KMG ah ula wareegay ciidamada Melleteriga iyo kuwa sirdoonka.

Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka ayaa booqanaya illaa 5 dal oo dhaca qaaradda Afrika waxaana kamid ah sedax dowladood oo ciidamadoodu duullaan ku joogaan Soomaaliya kuwaas oo kala ah Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed