Melleteriga Turkiga Oo Kaabiga Ku Haya Magaalada Cafriin Ee Waqooyiga Suuriya.

Saturday March 10, 2018 - 11:16:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Turkiga Oo Kaabiga Ku Haya Magaalada Cafriin Ee Waqooyiga Suuriya.

    Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay gobolka Xalab ee dhaca waqooyiga wadanka Suuriya sanadadii lasoo dhaafay ay kajiraan loollanno iskasoo horjeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay gobolka Xalab ee dhaca waqooyiga wadanka Suuriya sanadadii lasoo dhaafay ay kajiraan loollanno iskasoo horjeeda.

Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan Turkiga iyo Suuriya ayaa sheegaya in dagaalladu ay sii xoogeysteen kadib markii ay horumar sameeyeen ciidamada huwanta ah ee duullaanka ku qaaday magaalada Cafriin.

Wariyaal ku sugan waqooyiga Suuriya ayaa soo sheegay in ciidamada Melleteriga Turkiga iyo maleeshiyaadka Mucaaradka ah ay qabsadeen inta badan tuulooyinka hoos yimaad magaalada Cafriin oo ah halka loo baratamayo.

Maleeshiyaadka Kurdiyiinta ayaa isaga firxaday degmooyin iyo tuulooyin hoos yimaad magaalada Cafriin, Rajeb Dayib Erdogaan Madaxweynaha Turkiga oo hadlay ayaa guulo ka sheegtay dagaalka.


wuxuu sheegay in waqti aan dheerayn ay qabsan doonaan magaalada Cafriin islamarkaana ay howlgalka loogu magac daray Laanta Zeytuunka ku fidin doonaan magaalada Manbaj illaa iyo xuduudda Ciraaq.

Melleteriga Turkiga ayaa 20-kii Bishii Janaayo 2018 ku dhawaaqay howlgal ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka Kurdiyiinta PKK iyo YPG oo turkigu ku daray liiska waxa loogu yeero Argagaxisada.

Maleeshiyaadkan ayaa taageero melleteri iyo mid dhaqaale waxay ka helaan dowladda Mareykanka oo Turkiga ay iskula jiraan isbahaysiga NATO.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed