Al Shabaab Oo Markale Guluf Dagaaleed Ku Qaaday Itoobiyaanka Ku Sugan Baardheere.

Sunday March 11, 2018 - 10:40:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Markale Guluf Dagaaleed Ku Qaaday Itoobiyaanka Ku Sugan Baardheere.

    Sida ay sheegeen dadka deegaanka dagaallo culus ayaa xalay lagu miray saldhigyada ciidamada xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin magaalada Baardheere.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore dagaalyahanno katirsan Alshabaab oo gudaha Afmadoow ka dagaallamaya
Sida ay sheegeen dadka deegaanka dagaallo culus ayaa xalay lagu miray saldhigyada ciidamada xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin magaalada Baardheere.
Dagaalka oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa xoogaga Shabaabul Mujaahidiin usuura geliyay in ay ku siqaan difaacyada cadawga sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasho.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar hor leh ka fuliyay saldhigyo ciidamada oo Xabashida Itoobiya ay ka sameysatay magaalada Baardheere.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in xalay fiidkii ay ciidamada Xarakada Al Shabaab madaafiicda Hoobiya ku garaaceen mid kamida saldhigyada ugu waaweyn ee ciidamada gumeysiga Itoobiya ka sameysteen gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.


Madaafiicda hoobiyaha ay bartilmaameedsatay isku imaatinno ay ciidamada Itoobiya ku sugnaayeen kaas oo kuyaal garoonka diyaaradaha Macmalka Baardheere, duqeyta waxaa xigay weerar fool ka fool ah oo lagu qaaday ciidamada Xabashida Itoobiya, jugta madaafiicda iyo dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayay xaafado badan oo magaalada katirsan.


Kumanaan katirsan ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa ku sugan Baardheere kadib markii ciidamada melleteriga Kenya ay baneeyeen saldhigyadii ay uga sugnaayeen magaalada sanaddii 2017.


Al Shabaab ayaa dagaal dhiig bax ah kula jirta kumanaan katirsan ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo kuwa Xabashida Itoobiya kuwaas oo duullaan gardarra ah kusoo qaaday gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, dhammaan ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan waxay ku aruureeb difaac waxayna gabeen marxaladdii weerarka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items