Weerar Gaari Dagaal Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Buurhakabo.

Sunday March 11, 2018 - 10:54:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Gaari Dagaal Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Buurhakabo.

    Weerar Jid gal ah oo khasaara dhimasho iyo dhaawac ah dhaliyay ayaa maleeshiyaad katirsan maamulka Shariif Sakiin lagula beegsaday duleedka Buurhakabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar Jid gal ah oo khasaara dhimasho iyo dhaawac ah dhaliyay ayaa maleeshiyaad katirsan maamulka Shariif Sakiin lagula beegsaday duleedka Buurhakabo.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo shalay ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ee gobolka Bay.


Dagaallada ayaa yimid kadib markii ciidamada Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar dhabbagal ay u dhigeen gaari Cabdi Bile ah oo ka yimid magaalada Baydhabo kunasii jeeday Buurhakaba.

Wariye ku sugan gobolka Bay ayaa xaqiijiyay  in dagaalka oo ay barbar socdeen qaraxyo khasaara dhimasho iyo dhaawac ah lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed.



Weerarka oo ka dhacay deegaanka Lug Habaro ayaa sababay in lagubo Gaari Cabdile ah oo Maandooriyaha Khaatka kasoo gelbiyay Baydhabo iyo dhimashada hal askari sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonyahay.

Gaariga oo gubtay ayay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed uga carareen goobta, xoogaga Al Shabaab ayaa gaaray goobta iyagoo hub iyo sahay melleteri ka daabushay gaariga labeegsaday, wararka ayaa intaasi ku daraya in Mujaahidiintu ay gubeen Maandooriyihii khaatka ee gaariga saarnaa.

Wadada xiriirisa magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakabo waxaa awood ku leh ciidamada Al Shabaab, waxaana xusid mudan in bilihii dambe ay isticmaalka wadada ka caaganaayeen askarta iyo saraakiisha maamulka Shariif Sakiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items