Cusmaan Barre "Wadada Xiriirisa Balcad iyo Jowhar Waxaa Ku Xooggan Al Shabaab Maamulka Hirshabelle Ma awoodo in uu wax ka qabto".

Sunday March 11, 2018 - 11:27:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cusmaan Barre "Wadada Xiriirisa Balcad iyo Jowhar Waxaa Ku Xooggan Al Shabaab Maamulka Hirshabelle Ma awoodo in uu wax ka qabto".

    Mid kamida mas'uuliyiinta ugu sarraysa maamulka dabadhilifka ah ee isku magacaabay 'HirShabelle' ayaa qiray in ay wax ka qaban waayeen sugidda ammaanka deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida mas'uuliyiinta ugu sarraysa maamulka dabadhilifka ah ee isku magacaabay 'HirShabelle' ayaa qiray in ay wax ka qaban waayeen sugidda ammaanka deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.


Cusmaan Barre Maxamed oo ah guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Fadhigiisu yahay Jowhar ayaa sheegay in ciidamadoodu ay wax ka qaban waayeen sugidda ammaanka wadada laamiga ah ee xiriirisa Balcad iyo Jowhar.

isagoo khudbad ka hor jeedinayay tobaneeyo xildhibaan ayuu carrabka ku adkeeyay in mas'uuliyiinta maamulkiisu ay ka go'een adeegsiga wadada ayna bilaabeen in diyaarado ay isaga kala gooshaan Muqdisho iyo Jowhar.


"Waxaan dowladda Federaalka ka codsaneynaa in ay wax nagala qabato amni darrada, xaalada ka jirta Hirshabeelle ma ahan mid aan ku filanahay kaliya, sida la socotiin inta u dhaxeysa Balcad iyo Afgooye waxaa ku sugan nabad-diidka oo isaga kala yimid gobolada dalka”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle.

Wuxuu carrabka ku dhuftay in Ciidamada Al Shabaab ay awood ku leeyihiin deegaanno hoos yimaad Jowhar iyo Balcad halkaasna ay ku weerarayaan askarta iyo saraakiisha dowladda " Al Shabaab waa kusii xoogeysanayaan wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho, cid waxka qaban kartana majirto oo aan AMISIOM iyo dowladda aheyn" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad si nabad ah isugu mari jireen madaxda maamulkiisa, balse haatan ay go’day, isagoo tusaale u soo qaatay sanad ka hor in Wasiiro iyo Xildhibaano ay mareen wadadaas, xilligii la soo dooranayay Xildhibaanadda maamulka Hirshabele.

isbuucii lasoo dhaafay ayay xoogaga Al Shabaab cagta mariyeen kolonyo ciidamo AMISOM ah oo ku socdaalayay deegaanka Gololeey oo qiyaastii 7 KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Balcad ee Sh/dhexe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items