Weerar Jidgal Ah Oo Ciidamada Kenya Ku Qabsaday Duleedka Degmada Ceelwaaq.

Sunday March 11, 2018 - 20:41:04 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Jidgal Ah Oo Ciidamada Kenya Ku Qabsaday Duleedka Degmada Ceelwaaq.

    Ciidamo Kenyaan ah ayaa lagu dilay weerar dhabbagal ah oo xoogaga Shabaabul Mujaahidiin ugu dhigeen gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo Kenyaan ah ayaa lagu dilay weerar dhabbagal ah oo xoogaga Shabaabul Mujaahidiin ugu dhigeen gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.

Khasaara xooggan ayaa ciidanka Kenya kasoo gaaray weerar cusub oo xoogaga Al Shabaab ay kula beegsadeen deegaano katirsan gobolka Gedo.

Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ee dhanka Koonfur Galbeed dalka Somaliya ayaa sheegaya in weerar dhabba gal ah loo dhigay kolanyo ka tirsan Melleteriga Kenya xilli ay sahay isku gudbinayeen

Kolonyada Kenyaatiga ah ee kamiinka loo dhigay ayaa ku socdaalayay inta u dhaxeysa deegaanka Buusaar iyo degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo, waxaan weerarkaasi kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan khasaaraha soo gaaray ciidamada la weeraray.


Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Weerarka lagu gubay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada Kenya, waxaa sidoo kale dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar Kenyaati ah.
 

Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xaqiijisay in weerarka jidgalka ah loo dhigay ciidamo Kenyaan ah xilli ay ku mashquulsanaayeen isku gudbinta sahay melleteri.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed