Dilal Qorsheysan oo Ka Dhacay Degmooyinka Kaxda iyo Yaaqshiid.

Sunday March 11, 2018 - 21:10:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dilal Qorsheysan oo Ka Dhacay Degmooyinka Kaxda iyo Yaaqshiid.

    Dilal qorshaysan oo lala beegsaday askar iyo saraakiil katirsan Dowladda Federaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dilal qorshaysan oo lala beegsaday askar iyo saraakiil katirsan Dowladda Federaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

Caawa Fiidkii ayay xoogag hubeysan waxay degmada Yaaqshiid ku khaarijiyeen mid kamida ciidamada dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaan Xasilinta.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in xoogag bastoolado ku hubeysan ay dileen askariga kadibna ay horay ugasii qaateen qori AK47 ah oo uu watay.

Dhinaca kale xoogag hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa maanta gelinkii dambe askari ku dilay degmada Kaxda ee galbeedka Muqdisho, ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga dilka geystay ay askariga ka furteen qori iyo boosh-kiisa.


Dilalkan ayaa imaanaya xilli xukuumadda Xasan Cali Kheyre ay sheegtay in ay wax ka qabanayso ammaanka magaalada caasimadda ah waxaana muuqata in howlgallada Al Shabaab ay wali si dardar leg ugasoo socdaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items