Saldhigyada Ciidamada Itoobiya iyo Uganda ee Magaalooyinka Garbahaarey iyo Baraawe Oo la weeraray.

Monday March 12, 2018 - 11:04:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigyada Ciidamada Itoobiya iyo Uganda ee Magaalooyinka Garbahaarey iyo Baraawe Oo la weeraray.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib uga qarxeen bartamaha gobolkaas oo kamid ah meelaha ay duullaanka ku joogaan ciidamada shisheeye ee Jinsiyadaha kala duwan leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib uga qarxeen bartamaha gobolkaas oo kamid ah meelaha ay duullaanka ku joogaan ciidamada shisheeye ee Jinsiyadaha kala duwan leh.



Xoogaga Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay fiidkii weeraro madaafiic ah iyo dagaallo fool ka fool ah ku qaaday magaalada Garbahaarey oo xarun u ah gobolka Gedo.

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray xarunta WFP iyo dhismaha Garoonka diyaaradaha Garbahaarey oo saldhigyo ay ka sameysteen ciidamada gumeysiga Itoobiya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarku uu ku billaawday madaafiic hoobiyaal ah kadibna waxaa xigay weerar toos ah, xilligii weerarku dhacayay waxaa kulan amniga looga hadlayo lahaa saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka.



Jugta madaafiicda iyo hugunta rasaasta lays dhaafsanayay ayaa xalay laga maqlayay deegaanno hoos yimaad magaalada Garbahaarey.

Dhinaca kale ciidamada Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhigga ciidamada Uganda ku leeyihiin deegaanka Amabareeso ee duleedka magaalada Baraawe.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan cusub ee lagu qaaday ciidamada AMISOM waana markii 2-aad oo isbuucan gudihiisa lagu weerarayo Ambareeso.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed