Gaari Uuraal Ah Oo Ku Burburay Qarax Ka Dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo.

Monday March 12, 2018 - 11:06:50 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari Uuraal Ah Oo Ku Burburay Qarax Ka Dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray qarax aad u xooggan oo lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Bay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray qarax aad u xooggan oo lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Bay.



Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah qarax ku qabsaday deegaanka Awdiinlle oo qiyaastii 30 KM ujira magaalada Baydhabo.

Qaraxa ayaa haleelay gaari Uuraal ah oo ay la socdeen tobaneeyo ciidamo Itoobiyaan ah, ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaariga la qarxiyay uu burburay waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhammaan ciidamadii la socday.

Kolonyada gaadiidka ah ee la weeraray ayaa ka amba baxay magaalada Baydhabo waxayna kusii jeedeen dhanka degmada Bardaale ee isla gobolka Baay.



Isbuucii lasoo dhaafay qarax ka dhacay tuulada Awdiinle ayaa lagu dilay ugu yaraan 30 askari itoobiyaan ah gaari xamuul ahna waa lagu burburiyay waxaana mas'uuliyadda weerarka sheegatay Xarakada Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items

https://twitter.com/africa_waleed