Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Laba Xidigle Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Kaxda.

Monday March 12, 2018 - 11:09:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Laba Xidigle Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Kaxda.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorshaysan oo ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay xalay ka fuliyeen gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorshaysan oo ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay xalay ka fuliyeen gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.



Xalay saqdii dhexe ayay ciidamada Al Shabaab weerar qorshaysan ka fuliyeen guri kuyaal degmada Kaxda oo uu ku sugnaa mid kamida saraakiisha ugu sarraysa sirdoonka DF-ka.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarka "Howlgal xalay saqdii dhexe ay mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Kaxda waxay ku dileen mid kamida saraakiisha Ashahaadda ladirirka Murtadiinta oo lagu magacaabi jiray Max'med Xaduur Alxan" ayaa lagu yiri war lagasii daayay Idaacadda Andalus.



Sarkaalka ladilay ayaa darajadiisa ciidan lagu sheegay laba xidigle caan ka ahaa degmada Kaxda wuxuuna hoggaamin jiray howlgallada lagu raafayo dadka ku eedeysan dambiyada waxa loogu yeero Argagaxisada.

Dadka deegaanka sheegay in xalay saqdii dhexe ay maqlayeen rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay, shalay gelinkii dambe ayay aheyd markii askari Boolis ah lagu dilay deegaanka Kaxda xoogagii dilayna ay ka furteen hubkii uu watay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items

https://twitter.com/africa_waleed