Gaari uu lahaa Mas'uul katirsan DF-ka Oo Lagu Rasaaseeyay isgoyska Sayidka

Monday March 12, 2018 - 11:09:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari uu lahaa Mas'uul katirsan DF-ka Oo Lagu Rasaaseeyay isgoyska Sayidka

    Jiha wareer dhanka amniga ah ayaa ka jira waddooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho kadib markii ay sii kordheen weerarada lagu ugaarsanayo madaxda Dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jiha wareer dhanka amniga ah ayaa ka jira waddooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho kadib markii ay sii kordheen weerarada lagu ugaarsanayo madaxda Dowladda.



Boqolaal askari oo isugu jira AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa lagusoo daadiyay wadda Makka Al-mukarrama oo halbowle u ah isku socodka gaadiidka madaxda dowladda.

Ciidamada ayaa la arkayaa iyagoo baaritaanno adag marsiinaya gaadiidka dadweynaha, israsaaseyn saaka ka dhacday meel ku dhow madaxtooyada ayaa lala beegsaday gaari nuuca Xabaddu karin ah.

Ciidamo Booliska ayaa isgoyska Sayidka ku rasaaseeyay gaari uu lahaa mid kamida golaha wasiirrada, rasaasta ayaa gaariga taayarrada ka banjarisay waxaana jiray iska caabin uu sameeyay darawalka gaariga.



Shaqaaqo ayaa dhax martay ciidamadii isgoyska ku sugnaa iyo ciidamo la socday gaariga wasiirka, kala shaki iyo is aaminaad darro ayaa dhax taagan ciidamada ilaalada ka haya wadada Makka iyo ciidamada ilaalada u ah madaxda DF-ka.

Bishii lasoo dhaafay weeraro ka dhacay wadadan ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 50 qof oo ay kamid ahaayeen askar iyo saraakiil katisan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items

https://twitter.com/africa_waleed