Tobanaan qof ayaa ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada caasimadda u ah wadanka Nepal ee dhaca bartamaha qaaradda Asia.
Ugu yaraan 50 qof oo rakaab ah ayaa ku dhintay burbur diyaaradeed oo ka dhacay
garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Kathmandu ee caasimadda wadanka Nepal.
War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda duulista Nepal ayaa lagu sheegay in ay
burburtay diyaarad nuuceedu ahaa S2-AGU,
diyaaradda ayaa la xaqiijiyay in ay kusii jeeday magaalada Dhaka ee dalka
Banghaladesh.
Diyaaradda Burburtay waxaa la socday 71 qof kuwaas oo iyagoo dhaawacyo ah
lagasoo badbaadiyay,guddiga difaaca madaniga wadanka Nepal ayaa soo bandhigay
sawirro muujinaya diyaaradda oo ku gubanaysa meel ka baxsan garoonka.
Dhinaca kale ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay
wadanka Iiraan, diyaaradda oo ay la socdeen ganacsado Turki ah waxaa ku dhintay
xubno katirsan qoys maalqabeen caan ka ah Turkiga.
Hay'adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa sheegtay in dadka dhintay ay kamid tahay
Gabar uu dhalay ganacsade Xuseen Baasharaan, haweenayda dhimatay ayaa ka qeyb
geli laheyd xaflad lagu qaban lahaa magaalada Shaariqah ee wadanka isku tagga
imaaraatka Carabta
50 Qof Oo Ku Dhimatay Diyaarad Ku Burburtay Wadanka Nepal.
Tobanaan qof ayaa ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada caasimadda u ah wadanka Nepal ee dhaca bartamaha qaaradda Asia.