Weerar Askar Looga Dilay Maamulka Koonfur Galbeed Oo Ka Dhacay Xudur iyo Qansaxdheere.

Tuesday March 13, 2018 - 09:54:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Askar Looga Dilay Maamulka Koonfur Galbeed Oo Ka Dhacay Xudur iyo Qansaxdheere.

    Ciidamo katirsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weeraro khasaara dhaliyay ka fuliyay degmooyin iyo deegaanno katirsan Gobollada Bay iyo Bakool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weeraro khasaara dhaliyay ka fuliyay degmooyin iyo deegaanno katirsan Gobollada Bay iyo Bakool.


Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsanaa maamulka Koonfur galbeed isku magacaabay.

Weerar dhabagal ah oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Xudur ayaa sababay dhimashada sedax askari iyo dhaawaca tira kale sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa askarta ladilay ka furtay hubkii ay wateen oo ahaa qoryaha AK47 iyo rasaas sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha, weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu beegsaday maleeshiyaadka maamulka Shariif Sakiin ee dabadhilifyada u ah ciidamada gumeysiga Itoobiya.


Dhinaca kale wararka ka imaanaya degmada Qansaxdheere ayaa sheegaya in xalay fiidkii weerar Bambaanooyin loo adeegsaday lagu qaaday guriga guddoomiye ku xigeenka degmadaasi.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan hal askari uu ku dhintay weerarka ka dhacay gudaha Qansaxdheere, dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxyo xooggan iyo rasaas lays dhaafsanayay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed