Al Shabaab Oo Ciidamo Mareykan Ah Kula Dagaallantay Duleedka Magaalada Kismaayo.

Tuesday March 13, 2018 - 20:00:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Ciidamo Mareykan Ah Kula Dagaallantay Duleedka Magaalada Kismaayo.

    Xoogaga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si adag uga hortagay duullaan ay ciidamo Mareykan iyo Kenyaan ah ku qaadeen deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si adag uga hortagay duullaan ay ciidamo Mareykan iyo Kenyaan ah ku qaadeen deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo.



Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen deegaanada Buula Guduud iyo Yoontooy oo qiyaastii 30 KM ujira magaalad Kismaayo.

Dagaallada ayaa yimid kadib markii ciidamo isugu jiray Kenyaati iyo Mareykan ay dhaq dhaqaaq ka sameeyeen deehaanada duleedka Kismaayo kadibna waxaa dagaallo culus kala hortagay xoogag katirsan xarakada Al Shabaab.
 

Wariye ku sugan Jubbooyinka ayaa soo sheegay in dagaallo culus kadib ay ciidamada Xarakada Al Shabaab ku guuleysteen in ciidamada shisheeye ay ka caabiyaan duleedka deegaanka Buula Guduud.


Ciidamada huwanta ah ayaa isku dayay in ay gaaraan deegaanka Sanguuno oo qiyaastii 40 KM ujira magaalada Kismaayo.

Ugu yaraan gaari nuuca ciidanka xambaara ah ayaa lagu gubay dagaalka iyadoona khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu gaaray ciidanka huwanta ah.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidanka cadawga uu dib ugu laabtay  magaalada Kismaayo oo markii hore ay  kasoo duullaan tageen, ciidamada Al Shabaab ayaa si buuxda umaamulaya dhammaan deegaanadii lagu dagaallamay ee duleedka magaalada Kismaayo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items