Muuse Biixi iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Wadanka Imaaraatka Carabta.

Tuesday March 13, 2018 - 21:18:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Wadanka Imaaraatka Carabta.

    Xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka udhaxeeya dowladda Imaaraatka Carabta iyo Hoggaanka dowladda Federaalka ayay magaalada Dubai gaareen mas'uuliyiin katirsan maamulka isku magacaabay Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka udhaxeeya dowladda Imaaraatka Carabta iyo Hoggaanka dowladda Federaalka ayay magaalada Dubai gaareen mas'uuliyiin katirsan maamulka isku magacaabay Somaliland.

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaaminayo Muusi Biixi madaxweynaha maamulka Somaliland ay u amba baxeen wadanka imaaraatka Carabta.

Wafdiga oo diyaarad gaar ah ay ka qaadday  Madaarka Hargeysa waxaa hoggaaminayay Muuse Biixi waxaana xubin ka ahaa Faysal Cali Waraabe, isla galabta ayay gaareen magaalada Dubai halkaas oo ay kulamo kula leeyihiin mas'uuliyiinta dowladda Imaaraatka Carabta.

Socdaalka wafdigan ayaa salka ku haya khilaafka ka taagan heshiiskii sedax geesoodka ahaa ee dhaxmaray madaxda shirkadda DP ee maamusha dekadda Berbera dowladda Itoobiya iyo maamulka 'Somaliland'.


Heshiiskaas waxaa kasoo horjeesatay dowladda Federaalka oo Baarlamaankeedu uu soo saaray go'aan ah in soomaaliya laga mamnuuco shirkadda DP.

Shirkadda dekadaha caalamiga Imaaraatka ayaa cadaadis siyaasadeed waxay kala kulmaysaa dowladda Jabuuti iyo maamulka Farmaajo waxayna arrintaasi salka ku haysaa khilaafka u dhaxeeya dowladaha Khaliijka oo saameyn ku yeeshay wadamada dhaca geeska qaaradda Afrika.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed