Al Shabaab Oo 12 Askari Ku Dishay Weerar Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismayo.

Wednesday March 14, 2018 - 09:15:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo 12 Askari Ku Dishay Weerar Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismayo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo cusub dagaallo culus oo shalay ka dhacay deegaanno dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo cusub dagaallo culus oo shalay ka dhacay deegaanno dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo.

Wararka ka imaanaya jubbada Hoose ayaa sheegaya in khasaara xooggan dhabarka loo saariyay ciidamo huwan ah oo shalay gelinkii hore dhaq dhaqaaq ka sameeyay aagga Buula Gaduud.

Ugu yaraan 12 askari ayaa ciidamada Huwanta ah looga dilay weerar dhabbagal ah iyo qaraxyo lagula eegtay duleedka deegaanka Sanguuni.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ciidamada huwanta ah oo Meydad iyo dhaawacyo wata ay shalay gelinkii dambe dib ugu laabteen garoonka diyaaradaha Kismaayo oo saldhig ay ku leeyihiin.


Askarta lagu dilay dagaalka ayaa ubadan kuwa maamulka Axmed Madoobe iyo melleteriga Kenya ee KDF-ta loo yaqaan, war rasmi ah kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku xaqiijisay in tobaneeyo askari ay ku dishay dagaal shalay ka dhacay duleedka Buula Gaduud.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay maamulayaan dhammaan deegaannadii lagu dagaallamay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed