Guddoomiyaha Baraawe Oo isku Day Dil Ka Badbaaday iyo Weerar Askar Lagu Dilay Oo Golweyn Ka Dhacay.

Wednesday March 14, 2018 - 10:59:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Baraawe Oo isku Day Dil Ka Badbaaday iyo Weerar Askar Lagu Dilay Oo Golweyn Ka Dhacay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in xoogaga Al shabaab ay qaadeen howlgallo hor leh oo ka dhan ah maleeshiyaadka DF-ka ee la shaqeeya ciidamada shisheeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in xoogaga Al shabaab ay qaadeen howlgallo hor leh oo ka dhan ah maleeshiyaadka DF-ka ee la shaqeeya ciidamada shisheeye.


Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar qorsheysan ku qaaday  isbaaro maleeshiyaadka dowladda Federaalka ay dhigteen deegaanka Golweyn oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Buulo mareer ee gobalka Shabeelada hoose.

Idaacada Islaamiga ah ee  Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi lagu dilay Saddex askari oo iyadoona laga qaatay hubkii ay wateen sidoo kale  ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa cagta marayay isbaaro maleeshiyaadku gaadiidka dad weynaha ay lacago uga qaadayeen.


Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay  in xoogaga weerarka qaaday  ay gacanta ku dhigeen Mooto maleeshiyaadka dowladda  u tiillay goobta isbaarada waxeyna Isbaaradaasi aheyd mid  si aad ah ugu dhibi jireen dadka iyo gaadiidka safarka ah.

Dhanka kale weerar qarax ah ayaa lagu qaaday isbaaro maleeshiyaadka DF-ka  ay dhigteen duleedka degmada Afgooye waxaa qaraxaasi lagu dhaawacay tiro ka tirsan maleeshiyaadkii goobta ku sugnaa  kuwaasi oo Labo ka mid ah ay dhaawacyadooda aad u culusyihiin.

Dhanka kale gudoomiyaha maamulka Koonfur Galbeed ugu magacaaban degmada Baraawe ayaa isku day dil ka badbaaday kadib markii weerar qarax loo adeegsaday lagu qaaday hooyga uu ka deganyahay degmada Baraawe ee gobalka Shabeelada hoose sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Habeen hore ayay Al Shabaab dhowr weerar ka fulisay degmooyinka Qoryooleey Buula Mareer iyo deegaanka Ambareeso oo dhammaantood kawada tirsan gobolka Sh/Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items