Sawirro: 38 Qof Itoobiyaan Ah Oo Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Gobolka Amhara.

Wednesday March 14, 2018 - 11:22:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: 38 Qof Itoobiyaan Ah Oo Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Gobolka Amhara.

    Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in Tobanaan qof ay ku dhinteen shil baabuur oo ka dhacay waqooyiga wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in Tobanaan qof ay ku dhinteen shil baabuur oo ka dhacay waqooyiga wadankaasi.

Ugu yaraan 38 qof ayaa dhimatay 28 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii gaari Bas ah uu shil ku galay gobolka Amhara  sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

Raadiyaha iyo Telefeshinka Qaranka Itoobiya ayaa faafiyay muuqaallo muujinayay gaari Bas ah oo Buundada ka dhacay waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhammaan dadkii la socday.

Dadka dhintay iyo kuwa dhawaacmay dhammaantood waxay ahaayeen arday marka laga reebo laba qof oo ahaa shaqaalaha gaariga, saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in 28-ka qof ee dhaawacmay 10 kamid ah ay xaaladooda caafimaad aad uliidato.


Afhayeen u hadlay maamul goboleedka Amhara ayaa sheegay in aysan ogeyn sababta shilka dhalisay balse ay wadaan baaritaanno, Itoobiya waxaa lagusoo rogay xukun xaalad degdeg ah oo socan doona muddo 6 bilood ah kadib markii ay kacdoonnada shacabiga ah sii xoogeysteen islamarkaana uu iscasilay R/wasaarihii wadanka.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items