4 Askari Kenyaan Ah Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Duleedka Magaalada Ceelwaaq.

Wednesday March 14, 2018 - 12:19:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    4 Askari Kenyaan Ah Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Duleedka Magaalada Ceelwaaq.

    Khasaara xooggan ayaa ciidamada Kenya lagu gaarsiiyay qarax hor leh oo lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore qarax ciidamada Kenya lagula eegtay gobolka Gedo
Khasaara xooggan ayaa ciidamada Kenya lagu gaarsiiyay qarax hor leh oo lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.

Qarax maanta barqadii kolonyo katirsan ciidamada gumeysiga Kenya lagula beegsaday inta u dhaxaysa degmooyinka Ceelwaaq iyo Mandheera ayaa sababay khasaara lixaad leh.

War kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in Gaari Faaroow ah ay ku gubtay qaraxa waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhammaan ciidamadii gaariga la socday.

"Afar askari oo katirsan ciidamada saliibiyiinta Kenya ayaa ku dhimatay Todobo kalane waa ku dhaawacmeen qarax mujaahidiintu ay kula beegsadeen duleedka degmada Ceelwaaq" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Al Shabaab.


Ciidamada Kenya ayaa xilligii qaraxa lala beegsanayay waxay ku mashquulsanaayeen dhismaha Darbi lagu kala qeybinayo gobolka NFD ee waqooyi Bari loo bixiyay iyo soomaaliya inteeda kale.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Gaariga Faaroowga ah ee qaraxu haleelay uu gabi ahaantiis gubtay, goobta qaraxu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo dheeraad ah kuwaas oo meydad iyo dhaawacyo daabulay.

Gobolka Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran oo ay ka dhacaan weerarada ka dhanka ah ciidamada Jinsiyadaha kala duwan leh ee duullaanka gardarrada ah kusoo qaaday dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items