Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Lagu Dilay Taliyihii Qeybta Miina Baarista Maamulka 'Puntland'.

Wednesday March 14, 2018 - 16:29:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Lagu Dilay Taliyihii Qeybta Miina Baarista Maamulka 'Puntland'.

    Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya qarax khasaara xooggan dhaliyay oo maanta gelinkii hore ka dhacay deegaan dhaca duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax ka dhacay deegaanka Galgala
Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya qarax khasaara xooggan dhaliyay oo maanta gelinkii hore ka dhacay deegaan dhaca duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wararka ka imaanaya deegaanka Galgala ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay laba sarkaal oo katirsanaa khubarada Miina Baarista maamulka isku magacaabay 'Puntland'.

War kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qarax lagu dilay Taliyihii ciidamada Miina Baarista maamulka Puntland oo lagu magacaabi jiray Col.Xidig Cabdullaahi Cali Geyre iyo sarkaal kale oo magaciisa lagusoo gaabiyay Keyse.

Taliyaha dhintay ayaa isku dayaye  in uu kala furfuro walxaha qarxa oo lagu aasay wadada hareeraheeda balse qarax xooggan ayaa qabsaday taas oo keentay dhimashada Col. Xidig Cabdullaahi iyo Keyse.


Wararka ayaa intaas ku daraya in Meydka saraakiisha ku dhimatay qaraxa loo qaaday dhanka magaalada Boosaaso, Shabaabul Mujaahidiin waxay waxay ku goodisay in ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto maamulka Puntland oo ay ku sifaysay maamul 'Riddo ah'.

Dabayaaqadii sanaddii 2017 qarax ka dhacay duleedka Boosaaso ayaa lagu dilay Col. Cismaan Cumar Kabayare oo ahaa taliyihii ciidamada Miina Baarista Puntland, waana markii 2-aad oo taliye Miina Baaris laga dilo maamulka uu madaxda ka yahay Cabdi Wali Gaas

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items