Mareykanka Oo Gubay Guryo Dadka Shacabku Leeyihiin oo Ku Yaalla Deegaanka Gamboole Sh/Dhexe [Dhageyso].

Thursday March 15, 2018 - 09:42:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Gubay Guryo Dadka Shacabku Leeyihiin oo Ku Yaalla Deegaanka Gamboole Sh/Dhexe [Dhageyso].

    Muddo laga joogo sedax maalmood ciidamo Mareykan ah iyo kuwa calooshood u shaqeystayaal Soomaali ah oo kasoo baxay magaalada Jowhar ayaa ku duulay degaanka Gamboole, halkaas oo ay dhibaatooyin badan ka geysteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddo laga joogo sedax maalmood ciidamo Mareykan ah iyo kuwa calooshood u shaqeystayaal Soomaali ah oo kasoo baxay magaalada Jowhar ayaa ku duulay degaanka Gamboole, halkaas oo ay dhibaatooyin badan ka geysteen.


Degaankan oo dhaca galbeedka magaalada Jowhar ayaa markii ay tageen waxay ka waaween wax shacab ah kadib markii dad weynuhu ay saacado ka hor duullaanka sii faarujiyeen xaafadahooda.

Intaasi kadib waxay Mareykanku gubeen guryihii dadka shacabka iyadoo calooshood u shaqeystayaashii la socday ay bililiqeysteen xarumihii ganacsiga sida uu inoo sheegay Sheekh Gamboole oo ah nabadoonka degaanka.

Dad weynuhu waxay inoo sheegeen in sidoo kale uu Mareykanku gubay 160 kitaab oo Qur’aanka kariimka ah taas oo si aad ah looga carooday.


Inta la hubo guryaha sida rasmiga ah u bas beelay waa sedax waxaana la badbaadiyay guryo kale, kadib markii ay Mareykanka isaga bexeen degaanka oo ay wax yar joogeen.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kasoo jeeda degaanka ama beesha gaal jecel ayaa lagu eedeeyay in uu kamid yahay dadka Mareykanka tooshka ugu ifinaya beeshaan, waxaana taa ka marqaati ah inuu muddo dhowr bilood ka hor ku tilmaamay "Nabad diid”

Mareykanka ayaa horey ugu duulay degaanka Jameeco Jiliyaale oo ay isla beeshu degto halkaasoo uu ku dilay shan caruur ah oo culuumta sharciga ah baranaysa isagoo qafaashay qaar kale oo kamid ah carruurta.

Xarakada Al-Shabaab ayaa isbuucii lasoo dhaafay nawaaxiga garoonka Balli-doogle ku dishay wasiiru dowlihii wasaaradda amniga ee K/galbeed iyo xildhibaan Caga-weyne oo ka tirsanaa Hir-shabelle kuwaasoo lagu eedeeyay iney ku lug lahaayeen weerarkii uu Mareykanku ku qaaday degaanka Jameeco-jiliyaale.

Halkan ka dhageyso Nabadoonka deegaanka MP3
Halkan ka degso mid kamida dadkii guryahooda lagubay MP3
Halkan ka degso Daahir Amiin Jeesoow oo dadka deegaanka Uhanjabaya MP3

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items