Faah Faahin: Al Shabaab Oo 18 Askari Ku Dishay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Maxaas.

Friday March 16, 2018 - 18:42:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Al Shabaab Oo 18 Askari Ku Dishay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Maxaas.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta siyaaba kala duwan uga dhacay deegaanno hoos yimaad degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta siyaaba kala duwan uga dhacay deegaanno hoos yimaad degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Tobaneeyo askari oo katirsan dowladda Federaalka lagu dilay dagaal maanta barqadii ka bilaawday deegaanka Bulacle oo qiyaastii 20 KM dhanka Koonfur Bari uga beegan magaalada Maxaas.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay weerar xooggan ku qaadeen saldhig maleeshiyaad Itoobiya taageerto ay ka sameysteen deegaanka Bulacle, dagaalka oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa si xun loogu jebiyay maleeshiyaadka DF-ka oo ay soo abaabushay dowladda Itoobiya.


War rasmi ah oo kasoo baxay Taliska ciiidama Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay 18 Askari halka tobaneeyo kale lagu dhaawacay, Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen Meydad ay ciidamada Dowladda uga carareen deegaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay xaqiijinayaan in Meydadka 14 askari lageeyay degmada Maxaas waxaana jira Meydad wali yaal halkii lagu dagaallamay, wararka qaar waxay sheegayaan in ay jiraan ciidamo nolol iyo geeri lala'yahay waxaana laga yaabaa in ay ugacan galeen dagaalyahannada Al Shabaab.

Dagaallada oo illaa afar jeer laysku noq noqday  waxaa ka qeyb galay ciidamo Itoobiyaan ah oo gurmad ahaan uga baxay magaalada Maxaas, ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa isku fidiyay deegaanno hoos yimaad degmada Maxaas kadib dagaalkii culsaa ee maanta ka dhacay deegaanka Bulacle.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items