Weerar Askar Yahuud Ah Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Magaalada Janiin Ee Dhulka Filasdiin.

Saturday March 17, 2018 - 10:26:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Weerar Askar Yahuud Ah Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Magaalada Janiin Ee Dhulka Filasdiin.

    Wararka ka imaanaya dhulka Muslimiinta Filasdiin waxay sheegayaan in qeybo ka mid ah dhulkaasi uu ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu dilay laguna dhaawacay askar katirsan maamulka Yahudda sahyuuniyadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka Muslimiinta Filasdiin waxay sheegayaan in qeybo ka mid ah dhulkaasi uu ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu dilay laguna dhaawacay askar katirsan maamulka Yahudda sahyuuniyadda.


Weerarkan waxuu sigaar ah kaga dhacay duleedka magaalada Janiin oo ah magaalo dhacda dhanka Waqooyi ee Daanta Galbeed ee xoogga ay ku heysato Yahuuda Sahyuuniyadda ah.

Weerarkan oo ahaa gaari jiirsiin waxaa fuliyay Nin Muslim Kaligii Duul Mujaahid  wuxuuna dilay illaa 2 askari Yahuud ah  oo goob ku wada sugnaa.

Inta la xaqiijiyay weerarkan Kaligii duulka ah waxaa lagu dilay Labo askari oo Yahuud ah waxaana lagu dhaawacay Saddex askari oo isla ciidanka Sahyuuniyadda Yahuuda  katirsan.



Saraakiisha maamulka Yahuudda ayaa xaqiijiyay in geesiga Kaligii duulka Mujaahid ah ee weerarkaasi fuliyay uu si nabad ah goobta kaga baxsaday, Ururka Xamaas ayaa baan uu soo saaray ku bogaadiyay weerarka askarta Yahuudda lagu dilay wuxuuna ugu baaqay shacabka Filasdiin ay in ay sii wadaan wax iska caabinta hubeysan inta Yahuudda laga saarayo dhulalka Muslimiinta.

R/wasaaraha Yahuudda Bin Yameen Neten Yaahu oo isna hadlay ayaa sheegay in weerarkan uu yahay wax uu ugu yeeray Fal Argagaxiso wuxuuna ugu baaqay ciidamada Yahuudda in jawaab celin degdeg ah ay ka bixiyaan weerarka.

Muslimiinta Falasdiin yaa inta badan fuliya weeraro nuucaan oo kale kuwaasi oo ay la beegsadaan ciidamada Sahyuuniyadda Yahuuda ee xooga ku heysata Masjidka Barakeysn ee Al-aqsaa iyo guud ahaan dhulka Muslimiinta Filasdiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items