Mas'uul Katirsan Dowladda Federaalka Oo Lag Dhaawacay Qarax Muqdisho Ka Dhacay.

Friday June 13, 2014 - 05:53:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Mas'uul Katirsan Dowladda Federaalka Oo Lag Dhaawacay Qarax Muqdisho Ka Dhacay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo lala eegtay mas'uul katirsan dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuqalka Suuqa Bakaaraha
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo lala eegtay mas'uul katirsan dowladda Federaalka. Goob Joogayaal ayaa sheegay in mas’uul katirsan wasaaradda Gaadiidka Dowladda Federaalka uu si xun ugu dhaawacmay qarax lagusoo qariyay gaarigiisa.

Jugta qarax xoogan ayaa laga maqlay suuqa Bakaaraha qeybta Daawada waxaana durbadiiba goobta soo gaaray ciidamo katirsan booliska DF-ka.

Sarkaalkan oo magaciisa lagusoo gaabiyay Odawaa ayaa si xun ugu dhaawacmay qaraxa,warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ruuxa labeesaday  uu laba lugood ka go’ay waxaana sidoo kale dhaawacmay 3 askari oo la socday.


Guddoomiyaha suuqa Bakaaraha ee dhanka dowladda Federaalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in mas’uul katirsan wasaaradda Gaadiidka lagu dhaawacay gudaha suuqa.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Muqdisho lagu lagula eegto saraakiisha DF-ka tobaneeyo sarkaal ayaa toogasho iyo qaraxyo lagu dilay.

Related Items