Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Lagu Qarxiyay Deegaanka Yurkud iyo Madaxtooyada Baraawe Oo Madaafiic Lagu Weeraray.

Saturday March 17, 2018 - 15:21:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Lagu Qarxiyay Deegaanka Yurkud iyo Madaxtooyada Baraawe Oo Madaafiic Lagu Weeraray.

    Ciidama Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay qarax khasaara badan dhaliyay oo ka dhacay wadada xiriirisa degmada Luuq iyo gobolka Bay ee Koonfur galbeed Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidama Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay qarax khasaara badan dhaliyay oo ka dhacay wadada xiriirisa degmada Luuq iyo gobolka Bay ee Koonfur galbeed Soomaaliya.



Wararka ka imaanaya deegaanka Yurkud ayaa sheegaya in qarax xooggan uu qabsaday kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo wadada ku socdaalayay waxaana qaraxa ka dhashay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.

Idaacadda Islaamiga Andalus ee afka xarakada Al Shabaab ku hadasha ayaa sheegtay in ciidamo Itoobiyaan ah lagu dilay qaraxa iyadoona waxyeello ay gaartay gaari Uuraal ah oo Xabashidu wateen.

Wariye ku sugan gobollada Bay iyo Bakool ayaa soo sheegay in kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Itoobiya uu qarax xooggan haleelay, qaraxa ayaa sababay in uu gubto gaari Nuuca Uuraalka loo yaqaan oo ciidamada Itoobiya ay caan ku yihiin.


Isgaarsiinta deegaanka Yurkud ayay Itoobiyaanku hawada ka saareen kadib markii qaraxu dhacay.

Dhinaca kale weerar madaafiic ah ayaa lagu qaaday xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur galbeed uu ka sameystay magaalada Xeebta leh ee Baraawe.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in madaafiicdu ay ku hoobatay xarun isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen mas'uuliyiin katirsan maamulka Shariif Sakiin madaxda ka yahay ee shisheeyaha la shaqeeya.

Isbuucii lasoo dhaafay saldhigyada ciidamada AMISOM ee magaalada Baraawe ayaa weeraro is xigxigay kala kulmay  ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items