Al-Shabaab Oo Duqeeyay Saldhigga Ciidamada Kenya ee ku yaalla Deegaanka Hoosingow ee Jubbada Hoose.

Sunday March 18, 2018 - 10:20:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab Oo Duqeeyay Saldhigga Ciidamada Kenya ee ku yaalla Deegaanka Hoosingow ee Jubbada Hoose.

    Ciidamo ka tirsan guutada jugta Culus ee Xarakada Al Shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaaday farsiinka ciidamada dowladda kenya ay ku leeyihiin deegaanka hoosingoow ee gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka tirsan guutada jugta Culus ee Xarakada Al Shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaaday farsiinka ciidamada dowladda kenya ay ku leeyihiin deegaanka hoosingoow ee gobolka Jubbada Hoose.


 

Weerarka oo dhacay Shalay gelinkii dambe ayaa Wararku waxay ay tilmaamayaan in ciidanka Al Shabaab ay saldhiga ciidamada Kenya ee hoosungow la beegsadeen ku dhawaad toban madfac kuwaas intooda badan bartilmaameedkoodii lala helay.

 

Madaafiicda ayaa lala beegsanayay goobaha muhiimka ah ee gudaha saldhigga sida keydka rasaasta, midka raashinka. Kan daawada. iyo goobta ay yaallaan gaadiidka ciidamada.

 

"Qiiq iyo uuro madow ayaa cirka is qabsatay kadib markii gantaalaha Mujaahidiintu ay gudaha xerada ku dhaceen kuwaas oo khasaare u geystay ciidamada kenya iyo maleeshiyadka murtadiinta ee saldhiga ku leh deegaankaasi" ayaa lagu yiri war lagasii daayay idaacadda Andalus.



 

Wararka horu dhac ah oo saaka soo baxaya ayaa sheegaya in weerarkii shalay ciidamada Al Shabaab  ay ku gubteen labo gaari oo midkood uu ahaa nooca ciidamada lagu qaado.

 

Sidoo kale qarax miino ayaa isaguna ka dhacay goob duleedka ah xerada duqeynta lala beegsaday kadib markii Ciidamo Kenyaati iyo maleeshiyaad iskugu jira oo kasoo baxay xeradaas qarax lala eegtay.

Ciidamada gumeysiga Kenya ee xoogga ku jooga degmooyin iyo deegaanno katirsan Gobollada Jubbooyinka ayaa weeraro joogta noqday kala kulmaya xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items