Sawirro: Melleteriga Turkiga iyo Maleeshiyaadka Mucaaradka Suuriya Oo Qabsaday Magaalada Cafriin.

Sunday March 18, 2018 - 13:55:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Melleteriga Turkiga iyo Maleeshiyaadka Mucaaradka Suuriya Oo Qabsaday Magaalada Cafriin.

    ciidamada huwanta ah waxay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Cafriin ee dhacda waqooyiga wadanka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ciidamada huwanta ah waxay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Cafriin ee dhacda waqooyiga wadanka Suuriya.

Taliska ciidanka Melleteriga Turkiga ayaa ku dhawaaqay in ay maleeshiyaadka Kurdiyiinta PKK iyo YPD ay kala wareegeen gacan ku heynta magaaladan istiraatiijiga ah, goob joogayaal ayaa sheegay in maleeshiyaadka mucaaradka Suuriya ee SFA ay qeyb ka ahaayeen isbaheysiga magaalada qabsaday.

Taageerayaasha dowladda Turkiga ayaa dabaal degyo ka dhigay waqooyiga wadanka Suuriya, dagaalyahannada mucaaradka dhax dhaxaadka ayaa la arkayay iyagoo dhulka dhigaya taallooyin loo dhisay Bishaar Al-asad hoggaamiyaha Suuriya iyo Cabdala Oojlaan oo ah hoggaamiye ay caabudaan Ururada Kurdiyiinta.


Howlgal loogu magac daray Laanta Zeytuunka ayuu madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Erdogaan uga dhawaaqay waqooyiga Suuriya Bishii Janaayo 2018, howlgalkaas oo la sheegay in maleeshiyaadka Ururada Kurdiyiinta ka saari doono magaalooyinka ay xuduud beenaadka uga suganyihiin.

Dowladda Mareykanka ayaa dhanka dhaqaalaha iyo hubka ka taageerta maleeshiyaadka Kurdiyiinta iyadoo u adeegsata dagaalka ka dhanka ah jamaacaadka Jihaadiga ah shakina kuma jiro in Ankara iyo Washington ay isku qaban doonaan isbedellada ka dhaca Cafriin oo lafilayo in ay usii tallaabaan dhanka Manbej.








Related Items

https://twitter.com/africa_waleed