Sawirro+Codad: Warshaddii Sokorta Mareereey iyo Halka Ay Ku Dambeysay.

Monday March 19, 2018 - 07:00:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro+Codad: Warshaddii Sokorta Mareereey iyo Halka Ay Ku Dambeysay.

    Mashruucii Sokorta warshadda Mareereey wuxuu kamid ahaa mashaariicda ugu dhaqaalaha badan dalka Soomaaliya oo Malaayiin qof ay shaqo ka heli jireen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mashruucii Sokorta warshadda Mareereey wuxuu kamid ahaa mashaariicda ugu dhaqaalaha badan dalka Soomaaliya oo Malaayiin qof ay shaqo ka heli jireen.

Deegaanka Mareereey oo katirsan gobolka Jubbada dhexe ayay kutaal warshaddii Sokorta oo burburtay billaawgii 1991-kii xilligaas oo ay dhacday dowladdii Max'med Siyaad Barre.

Dhawaan idaacadda Andalus wariyayaal ka socda ayaa booqasho ku tagay warshaddii soo saari jirtay sonkorta ee Mareeray oo ku taalla duleedka deegaanka Hargaysa yaray ee wilaayada Jubbooyinka.

Wariyayaashu goobta waxay kula kulmeen odayaal waawayn oo ka mid ahaa raggii ka shaqayn jiray warashadda haatanse odayaal ah, waxaanay ka taariikheeyeen warshadda iyo wax soo saarkeedii, waxay sheegeen in maalin kasta ay soo saari jirtay 400 oo kiish oo sonkor ah, bishii waa 12000 oo kiish, waa sonkor aad u badan.



Haatan qalabka warashadda waxa ka muuqda in uusan wax rajo ah lahayn maadaama burbur xoogan iyo dayacaad wayn uu la kulmay, lagana yaabo in qalabka noocan ah ee culus mar hore lagahoru maray aduunka oo aan loo baahnayn.

Halkan ka degso Muuqaalka warshadda ama Hoose Ka Daawo















Related Items