Hoggaamiyaha Al Qaacidda Oo Ka Hadlay Loollanka Bariga Afrika Oo Soomaaliya Ay Kamid tahay.

Monday March 19, 2018 - 10:07:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha Al Qaacidda Oo Ka Hadlay Loollanka Bariga Afrika Oo Soomaaliya Ay Kamid tahay.

    Mu'asasada As-Saxaab, garabka warbaahineed ee Mujaahidiinta Al-Qaacida ayaa baahisay Kalimad la daawan karo muddo 27 daqiiqo ah oo uu sheekhu kaga hadlayo taariikhda halganka soo jireenka ee ilaa hadda ka taagan bariga Africa ee u dhexeeyey Musl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'asasada As-Saxaab, garabka warbaahineed ee Mujaahidiinta Al-Qaacida ayaa baahisay Kalimad la daawan karo muddo 27 daqiiqo ah oo uu sheekhu kaga hadlayo taariikhda halganka soo jireenka ee ilaa hadda ka taagan bariga Africa ee u dhexeeyey Muslimiinta iyo Gaalada.


Kalimadan waa xalqadii 10aad ee silsilada loogu magac daray Al-Rabiic Al-Islaami ama "Gu’ga Islaamiga” oo uu sheekhu inta badan kaga hadlo muhiimada midnimada Muslimiinta, taariikhda iyo xaaladaha ay ku sugan yihiin saaxaadka Jihaadiga ee dunida Islaamka.

Xalqadan wuxuu sheekhu lugta ku soo marinayaa siraaca ka socda mandiqada aan ku noolnahay ee leh taariikh siraac oo soo jireen ahaa tan iyo soo bixitaankii islaamka. Xalqadan waxaa cinwaan looga dhigay "Bariga Afrika Dhufeyska Koonfureed Islaamka”


Waa Kalimad ka kooban dhowr qaybood, Waxaana hadda la baahiyey qeybtii 1aad ee soconeysa muddo 27 daqiiqo ah, Wuxuuna sheekhu tilmaamayaa in uu soo gudbin doono qeybaha xiga ee xalqadana, uuna ka warami doono siraaca hadda taagan ee xaqqa iyo baadhilka ku dhex maraya bariga Africa.

Xarakada Al Shabaab Oo Beyco Kula Jirta Ururka Al Qaacidda ayaa geeska Qaaradda Afrika kula dagallaamaysa Tobanaan kun ciidamo shisheeye ah oo Mareykanka iyo Reergalbeedka ay maalgeliyeen.

Geeska Afrika ayaa tobankii sano ee lasoo dhaafay waxaa ka holcayay dagaal jihaad ah waxaane sare usii kacaya baraarugga ay sameynayaan muslimiinta ee ku aadan iska difaacidda cadawgooda, dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa madaxa uga taagan malaayiin qof muslimiin ah oo dhulkoodii ay xoogeen.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items