Sarkaal Katirsanaa Melleteriga Dowladda Federaalka Oo Degmada Dharkeynleey.

Monday March 19, 2018 - 09:22:48 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsanaa Melleteriga Dowladda Federaalka Oo Degmada Dharkeynleey.

    Xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa markale sarkaal katirsanaa dowladda Federaalka ku dilay galbeedka magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa markale sarkaal katirsanaa dowladda Federaalka ku dilay galbeedka magaalada Muqdisho


Xalay fiidkii ayay rag hubeysan xafaadda Macallin Nuur ee degmada Dharkeynleey ku dileen sarkaal katirsanaa ciidamada Melleteriga oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Ibraahim Cabdi kaasi oo caan ka ahaa xaafadda dilku ka dhacay.

Dadka deegaanka ayaa  xaqiijiyay in goobta dilka uu ka dhacay ay soo buux dhaafiyeen Maleeshiyaad ka tirsanaa Dowladda Federaalka  oo gabi ahaanba isku gadaanay waddooyinka soo gala Xaafadda Macallim Nuur


Wararka ayaa intaas ku daraya in Raggii  weerarka fuliyaya ay si nabadgelyo ah goobta uga dhaqaaqeen, sarkaal ladilay ayaa la sheegay in uu kamid ahaa dagaal geliyayaasha wasaaradda G/dhigga dowladda Federaalka isagoo lasoo shaqeeyay dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa bilihii lasoo dhaafay faraha kasii baxayay waxaana magaalada joogta ka noqday dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah xubnaha Dowladda Federaalka.

Maalin ka hor ayaa xaafadda Siigaale ee degmada Hodon lagu dilay  Axmed Cabdulle jimcaale oo ka mid ahaa odayaashii ka qeyb qaatay fadhiyadii lagusoo xulayay  Xaldhibaanada dhawaaqiida baarlamaanka Dowladda Federaalka ee ka yimid dhanka maamulka ashahaado ladirirka ah ee  isku magacaabay Hirshabelle ee Fadhigiisu yahay Magaalada Jowhar.

Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa ku fashilantay sugidda ammaanka magaalada caasimadda ah, Xarakada Al Shabaab ayaa dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir waxay ka fulinaysaa weeraro isugu jira dilal toos ah iyo qaraxyo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items