Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Xaafado Katirsan Degmada Buur Dhuubo.

Monday March 19, 2018 - 22:03:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Xaafado Katirsan Degmada Buur Dhuubo.

    Wararka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaallo culus ay caawa fiidkii ka qarxeen mid kamida magaalooyinka gobolkaas oo ay xoogga ku joogaan ciidamada itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaallo culus ay caawa fiidkii ka qarxeen mid kamida magaalooyinka gobolkaas oo ay xoogga ku joogaan ciidamada itoobiya.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar xoog ku gal ah ka fuliyay saldhigyada ciidamada itoobiya iyo maleeshiyaadka Dowladda Federaalka ay uga sugnaayeen magaalada Buurdhuubo.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaallo saacado kooban socday kadib ay dagaalyahannada Shabaabul Mujaahidiin ugu suurtagashay in ay la wareegaan gacan ku heynta dhowr xaafadood.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa cagta mariyay saldhigyo melleteri oo dhinacyada cadawga ah ku lahaayeen degmada Buurdhuubo, ciidamada Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka dabadhilifyada ah ayaa la sheegay in ay difaac ka xirteen mid kamida saldhigyada kuyaal gudaha degmadaasi.


Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Al Shabaab ay ku roondeeyeen inta badan xaafadaha magaalada waxayna baaritaanno ku sameeyeen guryo iyo saldhigyo ay deganaayeen maleeshiyaadka dowladda.

illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaallada culus ee caawa ka dhacay degmada Buurdhuubo oo kamid ah degmooyinka istiraatiijiga ah ee gobolka Gedo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items