Ciidamo Taabacsan Dowladda Imaaraatka iyo 'Nabad Sugidda' Oo Ku Dagaallamay isgoysk Tarabuunka.

Wednesday March 21, 2018 - 10:50:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Taabacsan Dowladda Imaaraatka iyo 'Nabad Sugidda' Oo Ku Dagaallamay isgoysk Tarabuunka.

    Iska Hor'imaad xooggan ayaa maanta Barqadii ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhaxmaray bartamaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska Hor'imaad xooggan ayaa maanta Barqadii ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhaxmaray bartamaha magaalada Muqdisho.

Wararka ka imaanaya degmada Hodon ayaa sheegaya in maleeshiyaadka loo yaqaan Nabad Sugidda iyo ciidamada Dowladda Imaaraatka Tababartay ay ku dagaallameen isgoyska KM4.

Ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidamada Nabad sugidda ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay dagaalka halka 2 qof shacab ah ay ku dhaawacmeen.

Maleeshiyaadka dagaallamay ayaa isku adeegsanayay gaadiidka Tignikada loo yaqaan, dhawaqa qoriga soomaalidu utaqaan dhashiikaha ayaa laga maqlayay xaafado katirsan degmada Hodon.


Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda Imaaraatka ay la wareegeen gacan ku heynta saldhig melleteri oo kuyaal xaafadda Tarabuunka.

iska hor'imaadkan ayaa imaanaya xilli khilaaf xooggan uu u dhaxeeyo Hoggaanka DF-ka iyo dowladda Imaaraatka carabta, magaalada Muqdisho waxaa ku sugan kumanaan maleeshiyaad ah oo dabadhilifyo u ah dowlado shisheeye.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed