Beenin: Wullaadda Bay iyo Bakool iyo Gedo iskuma Dhiibin Kooxda Farmaajo [Xog].

Thursday March 22, 2018 - 12:12:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beenin: Wullaadda Bay iyo Bakool iyo Gedo iskuma Dhiibin Kooxda Farmaajo [Xog].

    Dowladda Federaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay faafisay war ay ku sheegtay in dhankeed ay iskusoo dhiibeen mas'uuliyiin katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo ciidamo ay wataan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay faafisay war ay ku sheegtay in dhankeed ay iskusoo dhiibeen mas'uuliyiin katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo ciidamo ay wataan.


Warbaahinta ku hadasha Afka AMISOM iyo DF-ka waxay sheegtay in ay isdhiibeen wullaada  wilaayaadka Bay iyo Bakool iyo Gedo Sheekh Macalin Geedoow iyo Cabdi Raxmaan Fiiloow.

Baaritaan dheer oo ay sameysay shabakadda SomaliMeMo ayay ku ogaatay in warkaasi yahay been aan sal iyo raad laheyn, SomaliMeMo waxay khadka taleefanka kula xiriirtay Sheekh Macalim Geedow oo ah waaliga Bay iyo Bakool.

Xilligii aan la xiriiraynay Waaliga Bay iyo Bakool wuxuu ku sugnaa munaasabad ay Ugaas cusub ku dooranaysay Beesha Leysaan meel aan ka fogeyn magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.


Sidoo kale Waaliga Gedo oo aan xiriir lasameynay ayaa sheegay in xaaladda wilaayadu tahay mid deggan oo wax dhib ah aysan ka jirin, Codka ay faafisay idaacadda ku hadasha Afka ciidamada shisheeye iyo Dowladda Federaalka ma aheyn Macallim Geedoow Waaliga Bay iyo Bakool ee waa sarkaal katirsan dowladda Federaalka waana fadeexad kale oo ku habsatay kooxda Farmaajo..

Warka xaqiiqda ah ee SomaliMeMo u gudbinayso shacabka Soomaaliyeed ayaa ah in aysan jirin wax mas'uuliyiin iyo ciidamo ah oo isku dhiibay Xabashida Itoobiya ee ku sugan Gobollada Gedo iyo Bay iyo Bakool.

Ujeedkan laga leeyahay faafinta wararkan beenta ah ayaa ah in lagu jiha wareeriyo shacabka Soomaalida ee sida hagar la'aaneed uga qeyb qaadanaya dagaalka jihaadka ah ee lagula jiro soo duulayaasha gumeysiga ku haya umadda.

Sidoo kale ujeeddooyinka waxaa kamid ah in Ra'yul caam cusub la sameeyo si indha looga duwo khilaafka ragaadiyay hoggaanka Dowladda Federaalka oo mooshinno kala duwan ay ka yaallaan Baarlamaan ku sheegooda Muqdisho.

Duullaanka dowladaha shisheeye kusoo qaadeen dalka waxaa qeyb weyn ka ah dagaalka dhanka warbaahinta iyo akhlaaq darrada oo cadawga ayaa isku dayaya in uu dhanka Maskaxda ka gummeysto muslimiinta, waxaa alle mahaddiis ah in ay jirto warbaahin islaami ah oo xaqiiqda iyo xaqqa soo tabinaysa wax walba oo ay ku qaadato.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items