Sawirro+Codad: Sheekh Macallin Geedoow Oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Ay Ugaas Ku Dooratay Beesha Leysaan.

Thursday March 22, 2018 - 11:46:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro+Codad: Sheekh Macallin Geedoow Oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Ay Ugaas Ku Dooratay Beesha Leysaan.

    Mas'uuliyiin katirsan wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool ayaa ka qeyb galay Munaasabad Ballaaran oo ay Ugaas ku dooranaysay Beesha Leysaan oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiin katirsan wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool ayaa ka qeyb galay Munaasabad Ballaaran oo ay Ugaas ku dooranaysay Beesha Leysaan oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed



Munaasabadda caleema saarka ugaaska cusub  oo ka dhacday Deegaanka Madiinatul kheyr ee dhaca duleedka magaalada Baydhabo waxa ka soo qeyb galay dad badan oo isugu jirey salaadiin, ugaasyo , culimaa’udiin, ganacsato, masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Gooobta xaflada ay ka dhaceysey ayaa si aad ah loo qurxiyay iyadoo laga dareemayey agaasin xooggan iyo in dadaal ballaaran lagu bixiyey xafladda, waxyaabaha dadka aad usoo jiitay waxaa ka mid ahaa qalabka dhaqanka Soomaadida lagu yaqaannay ee goobta la keenay, sidoo kale cuntooyinka wadaniga ah ee ay ka mid ahaayeen Soorta, malabka, caanaha.



Beesha Leysaan ayaa intii xafalladu socotay ballan qaadey in ugaaskooda cusub ay ku wareejin doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan 100 neef oo geel ah iyo gaari qooqan ah.

Waaliga wilaayada islaamiga ah ee Bay iyo Bakool Sheekh Macallin Geedow ayaa gaba gabadii munaasabadda kalimad uu jeediyay wuxuu kusoo dhoweeyay hoggaanka cusub ee ay yeelatay beesha Leysaan wuxuuna ku bogaadiyay ugaaska cusub in uu halkiisa kasii wado isgarab taagga dagaalka ka dhanka ah ciidamada shsheeye ee ka socda dalka Soomaaliya.

Ugaaska cusub ee beesha Leysaan ay yeelatey ugaas Cali Cadow Maxamed ayaa isna beesha u dardaarmey in dariska la dhowro dhanka jihaadkana loo jihaysto.

Halkan ka dhageyso Kalimadda Sheekh Macallin Geedoow MP3
Halkan ka degso Kalimadda Ugaaska Cusub ee Beesha Leysaan MP3
Halkan ka degso dabaal degga Caleema saarka MP3




















Related Items