Sh.Yuusuf Kaba Kutukade "Shisheeyaha wey go'doonsanyihiin innagana Waxaan isaga kala gooshnaa Golis illaa Lamu" Wareysi.

Friday March 23, 2018 - 10:40:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sh.Yuusuf Kaba Kutukade "Shisheeyaha wey go'doonsanyihiin innagana Waxaan isaga kala gooshnaa Golis illaa Lamu" Wareysi.

    Qeybta labaad wareysi xasaasi ah oo idaacada alfurqaan ay layeelatay sheekh Yuusuf sheekh Ciise Kabo kutukade waaliga shabeelaha dhexe ayaa xalay lagusoo qaataybarnaamijka dhuuxa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qeybta labaad wareysi xasaasi ah oo idaacada alfurqaan ay layeelatay sheekh Yuusuf sheekh Ciise Kabo kutukade waaliga shabeelaha dhexe ayaa xalay lagusoo qaataybarnaamijka dhuuxa.


Wareysiga oo dhinacyo badan ka hadlaya ayaa qeybta xalay baxday waxa uu sheekhu kaga hadlay dagaalada udhaxeeya shabaabul mujaahidiin iyo shisheeyaha kusoo duulay Soomaaliya.

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in shisheeyuhu ay soomaaliya kusoo duuleen iyagoo kibirsan balse hadda ay dhadhamiyeen miraha ay ka dhaxleen duulaankooda iyagoo lagu hareereeyay goobaha ay xoogga ku qabsadeen.

"Innaga waxaynnu isaga kala gooshnaa Goolis illaa Lamu halka iyagu ay yihiin kuwa go’doonsan oo aanan iska fogeyn Karin saxarahaayuu hadalkiisa raaciyay kaba kutukade isagoo intaa ku daray in furaha dagaalka ay gacanta ku hayaan xiligii ay doonaan goobahooda ku weeraraan shisheeyaha halka shisheeyuhu ku biyo shubmay inuu is difaaco.



Kabo kutukade waxa uu uhanbalyeeyay ciidamada Mujaahidiin Alshabaab oo sanadihii danbe wax ka badalay dagaalka iyagoo bilaabay inay ku dulhabsadaan oo soo afjaraan xerooyinka ay ku suganyihiin shisheeyaha.

waxaana uu ciidamada kula dardaarmay inay Laasimaan wadada xaqa ah ee Allaah uu garan siiyay isagoo ubidhaamiyay waxay ku helayaan ku dhimashada wadadaasi.

kuwa siyaasiyiin ah ayaa hor booda xulufada Maraykanka ee duulaanka ku ah Dalalka islaamka oo ay ku jirto Soomaaliya.

Sheikh kabo ku takade waxaa wax laga weydiiyay waxa uu ka sheegi karo siyaasiyiintaasi.

Halkan ka degso Wareysiga ama Hoos ka dhageyso


Related Items