Warbaahinta Farmaajo oo Sheegtay In Rag Mas'uuliyiin Ah Ay Ka Bexeen Al-Shabaab!, Maxaa Ka Jira?

Saturday March 24, 2018 - 18:05:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Warbaahinta Farmaajo oo Sheegtay In Rag Mas'uuliyiin Ah Ay Ka Bexeen Al-Shabaab!, Maxaa Ka Jira?

    Idaacadda Radio Muqdisho oo aanan xaqiiqda looga baran islamarkaana ku hadasha Afka Farmaajo iyo kan Amisom, ayaa baahisay war ay ku sheegtay in rag mas'uuliyiin ay isaga bexeen Xarakada Al-Shabaab kuwaasoo ay ku kala tilmaantay waaliga Bay iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Idaacadda Radio Muqdisho oo aanan xaqiiqda looga baran islamarkaana ku hadasha Afka Farmaajo iyo kan Amisom, ayaa baahisay war ay ku sheegtay in rag mas'uuliyiin ay isaga bexeen Xarakada Al-Shabaab kuwaasoo ay ku kala tilmaantay waaliga Bay iyo Bakool iyo Waaliga Gedo.

 

Ugu horreyn, waxay warkeeda ku bilowday sidan:- "Waraysi uu siiyay Radiomuqdisho codka Jahuuriyada Soomaaliya Macalin Geedoow Aadan Abuukar oo ahaa Horjoogihii Alshabaab ee gobolka Baay ayuu kaga dhawaaqay inay Alshabaab ay isaga baxeen isaga iyo Horjoogihii Alshabaab ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Fiiloow”.

Idaacadda sumcadda xun ee "DF” ayaa soo bandhigtay wareysiga qof ay ku sheegayaan inuu yahay waaliga Bay iyo Bakool Sheekh Geedow balse aanan ahayn.



Caddaymo Dhowr Ah.

War-baahinta Farmaajo oo caan ku ahayd in ay soo bandhigto dad shacab ah oo loo soo galiyay tuute laguna tilmaamo iney mujaahidiin yihiin, ayaa hadda bilowday in ay qaado wareysiyo la jilayo sida riwaayaddii oo kale islamarkaana la isku ekeysiinayo mas’uuliyiin caan ah oo codadkooda la garanayo.

Dhammaan warka ay baahisay idaacaddan waa been aanan waxba ka jirin, waxaana cadeyn u ah oo uu qof walbaahi wax ku fahmi karayaa dhowr qodob oo uu ugu horreeyo isbarbar-dhig aan ku sameeneyno wareysi ay ka qaadeen mid kamid ah ciidamadooda iyo Wareysi rasmi ah oo ay Idaacadda Andalus horey ula yeelatay waalliga.

Haddaba marka aad isku dhageysato labada wareysi waxaad ogaaneysaa ineysan xitaa isku cod ahayn ninka ay waaliga ka dhigteen ee ay wareysteen iyo Sheekh Mucallim Geedow.

Halkan Ka Degso Wareysiga Bugta Ah Ee Ay Ku Sheegeen Sh/Geedow

Halkan Ka Degso Wareysiga Rasmiga Ah Ee Ay Andalus Ka Qaaday Sh/C/llhi M Geedow

Sidoo kale Idaacadda Farmaajo waxay ku fashilantay in ay khaladay magaca waaliga ay ku been abuuranayaan oo ay ku sheegeen "Macalin Geedoow Aadan Abuukar” halka magaca saxda uu yahay Sheekh Cabdullaahi Macallin Geedow.

Sheekh Cabdullaahi ayaa dorraad ka qeyb galay xaflad ballaaran oo ka dhacday duleedka magaalada Baydhabo oo ay beesha Leysaan ku dooranaysay kuna caleema saaranaysay Ugaas Cusub, halkaasoo uu ka jeediyay kalimad dardaaran ah.

Halkan Ka Degso Kalimadda uu waaligu ka jeediyay munaasabadidi ka dhacday duleedka Baydhabo.

Sida ay ugu been abuurteen waaliga wilaayada islaamiga ah ee Bay iyo Bakool si lamid ah ayay ugu been abuurteen waaliga wilaayada islaamiga ah ee Gedo inkastoo aaney aad ugu dheeraan sababo lagu micnayn karo iney waayeen qof u mata codkiisa.

Maxaa U Sabab Ah Been Abuurka Intan La Eg.

Beentan waxaa u sabab ah laba arrimood:Waa midda kowaade, madaxda dowladda federalka ayaa waxaa ka dhex jira khilaaf xarkaha goostay oo gaaray heer warbaahinta la iska dacaayadeeyo oo xildhibaanaddiina laba garab loo kala qaato, sidaa darteed ayaa waxaa la doonayaa in bulshada lagu mashquuliyo arrin kale oo aan jirin, dhanka kalana niyadda la isugu dhiso beentaasi.

Qodobka labaad wuxuu yahay dowladda oo si gaar ah uga welwelsan dardarta hawl gallada wilaayaadka islaamiga ah ee Bay iyo Bakool, iyo Gedo oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka dheceen weeraro khasaare adag lagu gaarsiiyay ciidamada Xabashida sida:- dhacdooyinkii Buurdhuubo iyo Yurkud agteeda.

Isku soo wada duuboo, ma ahan arrin lala yaabo in ay been ku shaqeystaan wiilashada ka hawl gala idaacadda Farmaajo marba haddii madaxdii sarsare ee dowladda ay been ka sheegaan idaacadaha. Tusaale ahaan: markii uu Mareykanku jilib agteeda ku dilay 7 ruux oo isku qoys ah, wuxuu madaxweynuhu qoraal ku sheegay in ay ahaayeen saraakiil Shabaab ah isaguna uu bixiyay amarka lagu dilay. Sidoo kale Eng: Yariisow ayaa la xusuustaa in uu dadkii Bariire lagu gumaaday ku tilmaamay iney Al-Shabaab ahaayeen!.

Allaah wuxuu inoo tilmaamay in shayaadiintu leeyihiin dad ay kusoo degaan, dadkaasna waa kuwa beenaale yaasha ah ee dambiga badan.

هَلْ أُنَبِّئُكُمْ عَلَىٰ مَن تَنَزَّلُ الشَّيَاطِينُ ( 221) تَنَزَّلُ عَلَىٰ كُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٍ


(Ma idinkaga warramaa ruuxa ay kusoo degi shayaadiintu, waxay kusoo degeysaa beenaale dambi badan oo dhan)

Related Items