Saraakiil Lagu Dilay Magaalooyinka Boosaaso iyo Muqdisho.

Monday March 26, 2018 - 10:30:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Lagu Dilay Magaalooyinka Boosaaso iyo Muqdisho.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in rag hubeysan ay magaalada Boosaaso ku dileen sarkaal katirsanaa maamulka isku magacaabay Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in rag hubeysan ay magaalada Boosaaso ku dileen sarkaal katirsanaa maamulka isku magacaabay Puntland.


Sarkaalka lagu dilay magaalada Boosaaso waxa uu sigaar ah uga tirsanaa Sirdoonka maamulka Puntland waxeyna ragga hubeysan ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in uu sarkaalka isla goobta ku dhinto waxaana magaciisa lagu soo gaabiyay Shiine.

Dhinaca kale rag hubeysan ayaa gudaha suuqa Bakaaraha Muqdisho  ku dilay  Xuseen Kuulow oo ka mid ahaa Odayaashii dhaqanka ee wax kasoo xulay xildhibaanada dowlada Federaalka  ee lagasoo doortay dhanka maamulka isku magacaabay Hirshabelle.

Dhammaan dilalkan ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso waxaa Mas'uuliyadooda sheegatay Xarakada Al Shabaab sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items