Kooxda Xuuthiyiinta Oo Markale Sawaariikh Ku Duqeysay Caasimadda Sacuudiga.

Monday March 26, 2018 - 09:34:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Xuuthiyiinta Oo Markale Sawaariikh Ku Duqeysay Caasimadda Sacuudiga.

    Maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta ee ka dagaallama wadanka Yemen ayaa markale weerar sawaariiq ah ku qaaday bartilmaameedyo kuyaal wadanka Sacuudiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta ee ka dagaallama wadanka Yemen ayaa markale weerar sawaariiq ah ku qaaday bartilmaameedyo kuyaal wadanka Sacuudiga


Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay gantaalo Maleeshiyada Xuuthiyiinta Yemen ay kusoo rideen Gudaha Wadanka Sucuudigi, xilli dagaalka Yemen uu galay sanadkiisii sadexaad.

Afhayeen u hadlay maleeshiyada Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay tiro gantaallaha baalaastiga ah ay ku rideen bartilmaameedyo kala gadisan oo ku yaalla gudaha wadanka Sucuudiga, kuwaas oo ay ka mid yihiin Garoonka caalamiga ah ee Boqor Khaalid ee ku yaalla Caasimada Riyaadh, Saldhigga ciidamada Jaazaan oo ku yaalla koonfurta Sucuudiga iyo garoonka diyaaradaha gobolka Casiir.


Dhanka kale ciidamada Dowlada Sucuudiga ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay ka hor tageen ayna hawada ku burburiyeen illaa 7 gantaal oo laga soo tuuray wadanka Yemen, kuwaas oo 3 kamid ah ay kusoo jeedeen Caasimada Riyaadh, mid kalena uu kusoo wajahnaa Najraan, halka labo kalena ay kusoo socdeen Jaazaan.

Warbaahinta Dalka Sucuudiga ayaa sheegeysa in hal qof uu ku dhintay duqaymaha maleeshiyada Xuuthiyiintu ay ka geysteen Magaalada Riyaad ee caasimada wadanka Sucuudiga, qofka dhintay ayaa kasoo jeeda wadanka Masar.

Dagaalka ay isbahaysatada wadamada Carabta ah oo ay hogaaminayaan Sucuudiga iyo Imaaraadku ku qaadeen Maleeshiyada Xuuthiyiinta wadanka Yemen ayaa galay sanadkiisii sadexaad, iyadoo dagaalkaas ay ka dhasheen dhibaatooyin aad u daran oo soo gaaray shacabka wadanka Yemen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items