Video: Dowladda Imaaraatka Carabta Oo Ku Faantay Ka Qeyb Qaadashada Dagaalka Mareykanku Ku Qaaday Caalamka Islaamka.

Monday March 26, 2018 - 17:48:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Video: Dowladda Imaaraatka Carabta Oo Ku Faantay Ka Qeyb Qaadashada Dagaalka Mareykanku Ku Qaaday Caalamka Islaamka.

    Safiirka Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya magaalada Washintong ee dalka isu-tagga Imaaraatka Carabta oo khudbad ka jeediyay Jaamacadda difaaca Qaranka ee dalka Mareykanka ayaa waxa uu ku faanay iskaashiga iyo xiriirka ay dowladdiisu la leedahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya magaalada Washintong ee dalka isu-tagga Imaaraatka Carabta oo khudbad ka jeediyay Jaamacadda difaaca Qaranka ee dalka Mareykanka ayaa waxa uu ku faanay iskaashiga iyo xiriirka ay dowladdiisu la leedahay Mareykanka iyo dowladaha kale ee reer galbeedka.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo kaalin weyn ku laheyd guushii Donald Trump uu ka gaaray doorashooyinkii madaxtinimada sannadii 2016 ayaa ku faanaysa ka qeyb qaadasha dagaalka islaam ladirirka ah ee Mareykanku ku qaaday wadamada caalamka islaamka.

Yuusuf Al-Cuteyba waxaa uu yiri "Wadanka Imaaraadka waxaa sharaf u ah inuu yahay dalka kaliya ee Carab ah oo Maraykanka kala qayb galay lix isbahaysi mudadii 25-ka sanadood ee lasoo dhaafay, 12 sano ayaan ku suganahay wadanka Afghaanistaan annagoo ka garab dagaallamayna ciidamada Maraykanka, waxaan qayb ka nahay isbahaysiga Yemen kula dagaalamaya Al-Qaacidada Jaziirada Carabta, Waxaan ka hawlgalnaa Soomaaliya anagoo la dagaallamayna Al-Shabaab. 



Xukkaamta Dowladaha Carbeed ee ka taliya Wadamada Muslimiinta ayaa ah saaxiibada koowaad ee Mareykanka iyo dowladaha kale ee reer galbeed ka gacan siiya la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada, iyagoo sidoo kale hantidii iyo Kheyraadkii Muslimiinta gaar ahaan Shidaalka u gacan geliyay dowladahaasi.

Halka Ciidamadoodana ay u ogolaadeen inay saldhigyo waaweyn ka sameystaan dhulka Jaziiratul Carab oo Nabigu SCW uu ku dar daarmay in Mushrikiinta laga saaro. Iyagoo ku dhacay waxaas oo diin ka bax ah, haddana waxaa u fatwoodo oo Culimo u ah Wadaado xumayaal diintooda iibsaday, kuwaas oo Xukaamtaas Mufsidiinta ah Umadda Muslimka ah uga dhigaya inay yihiin Umuradii Mu;miniinta, dembina ay tahay in laga hor yimaado, ama laga hadlo gaalnimada ay ku dhaceen.

Halkan ka degso warka dowladda Imaaraatka Carabta ama Hoos Ka Daawo


Related Items