Taliye Ku Xigeenka Sirdoonka Kenya "Jubbaland waxaan u dhisnay in aan ku ilaalinno Amniga xuduudda dalkeena".

Tuesday March 27, 2018 - 12:37:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Ku Xigeenka Sirdoonka Kenya "Jubbaland waxaan u dhisnay in aan ku ilaalinno Amniga xuduudda dalkeena".

    Mas'uul sare oo katirsan sirdoonka dowladda Kenya ayaa xaqiijiyay in ujeedkii laga lahaa dhismaha maamulka 'Jubbaland' uu ahaa in uu xuduudda u ilaaliyo ayna hadafkaas gaareen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye ku xigeenka Kenya ayaa banaanka soo dhigay sirta uqarsoon
Mas'uul sare oo katirsan sirdoonka dowladda Kenya ayaa xaqiijiyay in ujeedkii laga lahaa dhismaha maamulka 'Jubbaland' uu ahaa in uu xuduudda u ilaaliyo ayna hadafkaas gaareen


Wargeyska The Star ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa sheegay in taliye ku xigeenka sirdoonka Kenya uu ku dheeraaday ka hadalka muhiimadda uu dowladooda u leeyahay maamulka dabadhilifka ah ee uu madaxda ka yahay Axmed Madoobe.

Qorshaha Dowladda Kenya ee lagu dhisay Maamulka Jubbaland waxaa la dhameystiray billowgii Sanadkii 2010kii.

Hayeeshee gaba gabadiisii waxaa ay ahayd Bishii January sanadkii 2013kii markaas magaalada Kismaayo ay isugu tageen Ergo dhan 522 Qof,kuwaas oo qaatay go’aan adag islamarkaana madaxweyne u doortay hoggaamiye kooxeed hore Axmed Maxamed Madoobe.


Barnaamijka lagu dhisay Jubbaland waxaa uu ahaa shaqada 19 sano ee Ninka lagu magacaabo Nuuraddiin Yuusuf Xaaji oo uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta u magacaabay ku xigeenka Taliyaha Nabad Sugidda Kenya.

Nuuradiin waxaa uu shirguddoomiye ka ahaa kulan ay yeesheen Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayay xasilinta Soomaaliya,waxaana kulankaas ka dhashay Maamul Goboleedka Jubbaland.

Sooyaalka Nuuraddiin ayaa hadda waxaa ku xusan in waxqabadkiisa ay ka mid tahay dhismaha Maamul Goboleedka Jubbaland State of Somalia .

Nuuraddiin waxaa uu shirkaas ka sheegay in sugidda Amniga Kenya ay muhiim u tahay in la helo degaan u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya oo aysan Al-shabaab ku noolaan Karin,taas oo ka imaneysa in la dhiso Maamul Goboleed ay dhisto Kenya hayeeshee hoostaga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Related Items