Faah Faahin: Al Shabaab Oo 27 Askari Ku Dishay Weerar Gaadmo Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Beled Weyne.

Tuesday March 27, 2018 - 17:40:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Al Shabaab Oo 27 Askari Ku Dishay Weerar Gaadmo Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Beled Weyne.

    War goordhow nagasoo gaaray gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo khasaara badan dhaliyay ay ka dhaceen duleedka Beled Weyne.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War goordhow nagasoo gaaray gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo khasaara badan dhaliyay ay ka dhaceen duleedka Beled Weyne.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa cagta mariyay kolonyo katirsan Maleeshiyaadka dowladda Federaalka xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Galxamar oo dhaca duleedka xarunta gobolka Hiiraan.

Warar hordhac ah oo SomaliMeMo ay heshay ayaa sheegaya in 27 askari lagu dilay weerarka oo ay barbar socdeen silsilado qaraxyo ah, gaadiid dagaal ayaa la xaqiijiyay in lagu gubay weerarka.

Ku dhawaad 30 ka tirsan maleeshiyaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhintay dagaal iyo qaraxyo ka dhacay deegaan duleedka kaga beegan Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.



Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Gal-Xamur oo qiyaastii 30 Kiiloow mitir koonfur Bari kaga beegan degmada Baladweyne ayaa yimid kadib markii ciidamada Al Shabaab ay wadada u galeen kolonyo maleeshiyaad ah oo howgallo lagu qalqal gelinayo dadka Muslimiinta ah ka waday duleedka Baladweyne.

Mid kamid ah gaadiidka dagaalka cadawga oo nuuciisu ahaa Cabdi Bile isla markaasna ay ka buuxeen Maleeshiyaadka Murtadiinta ah ayaa Qarax Miino lala beegsaday xilli uu ka baxsanayay goobta dagaalka kaas oo gabi ahaantiisa goobta ku basbeelay, halka maleeshiyadkii saarnaaydna ay noqdeen wax dhintay iyo kuwo dhaawacmay" ayaa lagu yiri war lagasii daayay Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadahasha.

Qarax kale ayaa wax yar kadib lala beegsaday maleeshiyo efentari aheyd oo goobta ka firxanahaysay, kuwaas oo iyaguna khasaare dhimasho iyo dhaawac ah halkaas kala kulmay.

Inta la xaqiijiyay 27 oo katirsanaa Maleeshiyada DF-ka ayaa ku nafwaayay dagaalka iyo qaraxyada ka dhacay Deegaanka Gal-Xamur ee Duleedka Magaalada Baladweyne, halka gaari Cabdi Bile ahna uu goobta ku gubtay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in magaalada Beled weyne lageeyay Meydad iyo dhaawacyo farabadan, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dhanka maamulka isku magacaabay HirShabelle oo ku aaddan dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Beled Weyne.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

 


Related Items