Ciidamo Huwan ah Oo Lagu Weeraray Deegaanka Buula Guduud Ee Duleedka Kismaayo.

Wednesday March 28, 2018 - 22:34:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Huwan ah Oo Lagu Weeraray Deegaanka Buula Guduud Ee Duleedka Kismaayo.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in markale dagaallo culus ay ka dhaceen deegaan kaabiga ku haya magaalada xarunta u ah Jubbooyinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in markale dagaallo culus ay ka dhaceen deegaan kaabiga ku haya magaalada xarunta u ah Jubbooyinka.


Ciidamada mujaahidiinta wilaayada islaamiga ee jubbooyinka ayaa maanta weeraro ku qaaday maleeshiyadka maamulka Axmed Madoobe ee ku sugan duleedka magaalada kismaayo.

weeraradan ayaa ka kala dhacay deegaanada Buulo gaduud iyo Qaamqaam halkaas oo maanta ciidamada A; Shabaab ay ka sameeyeen dhaqdhaqaaqyo Melleteri.

Dagaalka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Qaamqaam waxaan ciidamada mujaahidiinta ay weerar ku qaadeen maleeshiyad Maamulka Jubbaland isku magacaabay  kuwaas oo ilaalo ka hayay sida la sheegay ciidamo  mareykanka ka tirsan oo maanta soo gaaray deegaanka buulo gaduud.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ku guuleysteen in ay dib u waabiyaan ciidamadii huwanta ahaa oo markii dambe dib ugu laabtay deegaanka Buula Guduud.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo labada dhinac is dhaafsanayeen, bishii lasoo dhaafay ayay sidaan oo kale ciidamada huwanta ah dhaq dhaqaaqyo uga sameeyeen duleedka Kismaayo balse waxay dagaallo xooggan kala kulmeen shabaabul Mujaahidiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items