Michael Keating Oo Kheyre Ku Amray in Uu Joojiyo Mooshinka Ka Dhanka ah Jawaari.

Thursday March 29, 2018 - 13:35:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Michael Keating Oo Kheyre Ku Amray in Uu Joojiyo Mooshinka Ka Dhanka ah Jawaari.

    Waxaa sii xoogeystay ismariwaaga u dhaxeeya mas'uuliyiinta ugu sarraysa dowladda Federaalka kaasi oo salka ku haya mooshinno kala duwan oo baarlamaanka loo gudbiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii xoogeystay ismariwaaga u dhaxeeya mas'uuliyiinta ugu sarraysa dowladda Federaalka kaasi oo salka ku haya mooshinno kala duwan oo baarlamaanka loo gudbiyay.



Xildhibaanno taageersan Max'med Cismaan Jawaari ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku sheegeen in uu fashilmay Mooshinkii ka dhanka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka.

Taageerayaasha Jawaari waxay udabaal degeen in ay ka gudbeen shirqool siyaasadeed oo xafiiska R/wasaaraha lagasoo agaasimay balse boqolaal xildhibaan oo ah kuwii mooshinka geeyay ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay dhici doonto cod uqaadista mooshinka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in uu guul darraystay dadaal dhax dhaxaadin ah oo Farmaajo uu ka dhax waday labada garab ee xildhibaannada, Cabdi Wali Muudeey oo ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka ayuu Xasan Cali Kheyre uwakiishay fulinta qorshaha lagu maja xaabinayo Jawaari.



Michael Keating oo ah Ninka Q.Midoobe uga wakiilka ah gummeysiga Soomaaliya ayaa amar kusiiyay Xasan Cali kheyre joojinta mooshinka ka dhanka ah Jawaari.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Kheyre uu madax adeygay amarka uga yimid Michael Keating waxaana jira khilaaf u dhaxeeya diblumaasiyiinta ku sugan Xerada Xalane iyo xukuumadda Federaalka.

Mooshinnadan lala dhax wareegayo Villa Somalia waxaa ku baxaya lacago malaayiin dollar ah taasi oo qeyb ka ah musuq maasuqa iyo xatooyada ka dhax jirta Hoggaanka DF-ka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items