Madaxweyne Ku Xigeenka HirShabelle Oo Lagu Weeraray Gudaha Magaalada Jowhar.

Thursday March 29, 2018 - 20:47:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xigeenka HirShabelle Oo Lagu Weeraray Gudaha Magaalada Jowhar.

    Xiisado dhanka amniga ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe kadib markii ay dagaallameen ciidamo kawada tirsan maamulka Hirshabelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisado dhanka amniga ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe kadib markii ay dagaallameen ciidamo kawada tirsan maamulka Hirshabelle.



Wararka ka imaanaya Jowhar ayaa sheegaya in iska hor'imaad xooggan uu magaalada ku dhaxmaray laba ciidan oo kala taabacsan Guudlaawe madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle iyo sarkaal melleteriga katirsan.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan hal askari uu ku dhintay iska hor'imaadka  tira kalane ay ku dhaawacmeen, ciidamo daacad u ah taliyaha ciidanka gobolka Sh/dhexe ayaa rasaas huwiyay gaari uu la socday madaxweyne Ku xigeenka Hirshabelle sidaasna waxaa ku bilaawday iska hor'imaad mudda daqiiqada ah socday.



Xaaladda Jowhar ayaa galabta illaa iyo caawa fiidkii aheyd mid cakiran waxaana waddooyinka magaalada lagu arkayay ciidamo hubeysan oo si feejigan waddooyinka ku marayay.

isku dhaca u dhaxeeya maleeshiyaadka ka wada tirsan maamulka isku magacaabay Hishabelle ayaa bilihii lasoo dhaafay kusii badanayay magaalada Jowhar.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items