Ruushka Oo Xiray Qunsuliyad Mareykan 60 Dublumaasina Eryay.

Friday March 30, 2018 - 09:21:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka Oo Xiray Qunsuliyad Mareykan 60 Dublumaasina Eryay.

    Dowlada Ruushka ayaa wadankeeda ka cayrisay 60 katirsan diblomaasiyiinta Maraykanka xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Ruushka iyo wadamada kale ee reer Galbeedka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dhismaha qunsuliyadda USA ee Sant-Butrusberg
Dowlada Ruushka ayaa wadankeeda ka cayrisay 60 katirsan diblomaasiyiinta Maraykanka xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Ruushka iyo wadamada kale ee reer Galbeedka.



Wasiirka arrimaha dibada Ruushka Sergeey Lafroof oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in dawladiisu ay wadankeeda ka cayrinayso 60 diblomaasi oo Maraykan ah, taas oo jawaab u ah kadib markii Mareykanku uu horraantii isbuucan soo cayriyay 60 Diblomaasi oo Ruush ah kuwaas oo ka shaqaynayay gudaha wadanka Maraykanka.

Lafroof ayaa sidoo kale sheegay inay irdaha iskugu laabayaan qunsuliyada Maraykanka ee ku taalla magaalada Sant-Butrusberg, taas oo iyaduna jawaab u ah falkii uu Maraykanku ku xiray qunsuliyadii Ruushka ee ku taallay Magaalada Siyaatal ee Wadanka Maraykanka.



Dowladaha Mareykanka, Canada, Australia iyo dhowr labaatan dal oo ku yaalla qaaradda Yurub ayaa todobaadkan wadamadooda ka cayriyay tiro ku dhow 150 Diblomaasiyiin Ruush ah, iyagoo kaga jawaabaya kadib Markii Ruushka lagu eedeeyay inuu sunta dareemayaasha disha u isticmaalay isku day khaarijin ah oo ka dhan ahaa Jaasuus laba kaarle ah iyo gabar uu dhalay oo ku noolaa wadanka Ingiriiska, kuwaas oo hada ku jira Isbitaal, xaaladooduna ay tahay mid aad u liidata.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items