Farmaajo Oo Baajiyay Kulankii Codka Kalsoonida loogu Qaadi Guddoomiye Jawaari

Saturday March 31, 2018 - 10:14:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Baajiyay Kulankii Codka Kalsoonida loogu Qaadi Guddoomiye Jawaari

    Inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa xiran kadib markii lagusoo daadiyay ciidamo isugu jira AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa xiran kadib markii lagusoo daadiyay ciidamo isugu jira AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka.



Ciidamadan ayaa lafilayay in ay qeyb ka noqdaan sugidda ammaanka xildhibaanadii ku shiri lahaa xarunta Baarlamaanka balse kulankoodi la baajiyay.

Amar kasoo baxay Max'med Cabdullaahi Farmaajo hoggaamiyaha dowladda Federaalka ayaa lagu baajiyay kulankii fowdada ahaa ee xildhibaanada iskasoo horjeeda ay xarunta ku yeelan lahaayeen.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Villa Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay in la hakiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa, kaddib amar ka yimid Farmaajo.



Max'med Ciswaan Jawaari oo isna shir Jaraa'id qabtay ayaa sheegay in ay aqbaleen soo jeedinta katimid Farmaajo ayna baajiyeen kulanka isaga xilka looga qaadi lahaa.

Garabka uu hoggaaminayo Cabdi Wali Muudeey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka ayaan wali ka hadlin sababta loo baajiyay kulankii lagu dhaqan gelin lahaa mooshinkii ka dhanka ahaa Jawaari.

Ciidamo taabacsan Xasan Cali Kheyre ayaa wali xoog ku heysta dhismaha xarunta Baarlamaanka inkastoo ciidamo katirsan AMISOM ay iyana goobta ku suganyihiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items