Al Shabaab Oo Guddoomiye Waaxeed Ku Dishay Degmada Xamar Weyne iyo Weerar ka Dhacay Boondheere.

Saturday March 31, 2018 - 21:55:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Guddoomiye Waaxeed Ku Dishay Degmada Xamar Weyne iyo Weerar ka Dhacay Boondheere.

    Xoogag hubeysan ayaa caawa Fiidkii bartamaha degmada Xamar Weyne ku dilay mid kamida mas'uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ugu magacaaban dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa caawa Fiidkii bartamaha degmada Xamar Weyne ku dilay mid kamida mas'uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ugu magacaaban dowladda Federaalka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ladilay Max'med Macallim Xasan oo ahaa guddoomiyaha waaxda kacaan ee maamulka degmada Xamar Weyne, raggii weerarka dilka ay geystay ayaa si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqay.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa durbadiiba sheegatay Mas'uuliyadda weerarka sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.

Goobta dilku uu ka dhacay ayaa ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyaa waxaana deggan mas'uuliyiin sarsare oo katirsan dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.


Dhinaca kale weerar loo adeegsaday Bambaanooyin ayaa caawa lagu qaaday isku imaatin ay ciidamo Boolis ah uga sugnaayeen degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo is xigxigay iyo rasaas xooggan oo ay furayeen ciidama dowladda ee weerarka lagu qaaday, lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarka Boondheere ka dhacay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items