Ciidamada Al Shabaab Oo Dib Ula Wareegay Deegaan Ku Dhow Magaalada Mahadaay [Warbixin].

Sunday April 01, 2018 - 10:04:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Oo Dib Ula Wareegay Deegaan Ku Dhow Magaalada Mahadaay [Warbixin].

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si naba gelya ah kula wareegay gacan ku heynta deegaan istiraatiiji ah oo kaabiga ku haya degmada Mahadaay ee Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si naba gelya ah kula wareegay gacan ku heynta deegaan istiraatiiji ah oo kaabiga ku haya degmada Mahadaay ee Sh/dhexe.

Wararka ka imaanaya deegaanka Cali Fooldheere ayaa sheegaya in ciidamada Mujaahidiintu ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka iyo saldhigyo melleteri oo ay faarujiyeen ciidamada shisheeye.

Qof Goob jooge ah ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in ay arkeen ciidamo farabadan oo katirsan Al Shabaab kuwaas oo baaritaanno ku sameynaya goobihii ay faarujiyeen ciidamada AMISOM.

"Ciidamo farabadan oo Al Shabaab katirsan ayaa afarta jiho kasoo galay deegaanka Cali Fooldheere waxyar kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii gaalada" sidaas waxaa yiri qof goob jooge ah.


Boqolaal katirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ayaa saaka isaga baxay deegaanka Cali Fooldheere oo qiyaastii 12 KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Mahadaay.

Ciidamada Burundi oo ay kaabayeen saraakiil Caddaan Mareykan ah ayaa deegaanka Qabsaday 9, Augst 2017 wixii xilligaas ka dambeeyay ayay ciidamada shisheeye la kulmayeen weeraro dhabbagalla ah oo uga imaanaya Shabaabul Mujaahidiin.

Khamiistii lasoo dhaafay wadada xiriirisa deegaanka Cali Fooldheere iyo Mahadaay waxaa ka dhacay weerar dhabbagal ah oo loo dhigay kolonyo gaadiid ah oo sahay siday ciidamada maanta baxay.

Sababta ay ciidamada Burundi isaga baxeen Cali Fooldheere ayaa ah iyagoo wajahayay xaalad go'doon ah kadib markii laga jaray wadadii ay saadka isugu kala gudbin jireen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items